YoutubeSomalidoonSomalitalkSoomaalinewsDalkanewsHillaacAhlusunaShabelleDayniileGoogleYGHmail
Taariikh nololeedkii Xaaji Maxamed Axmed Liibaan oo aad u kooban
Xaaji Maxamed Axmed Liibaan, waxa uu dhashay 1904tii, waxa uuna ku dhashay agagaarka magaalada Xarardheere, Xaajiga waxa ay isku hooyo iyo aabbe ahaayeen wiil iyo gabar waa Cabdullaahi iyo Xaliimo e, waxa ayna isku aabbe ahaayeen 7, oo kala ahaa Faarax, Cali, Muxummad, Cabdulle, Xasna, Xabiiba iyo Faadumo.

Waxa uu ku soo dhex barbaaray qoyskooda, malcamad Qur’aan ayuu billaabay isaga oo ay da’diisu ahayd 7 Sano, Qur’aanka markii uu bartay waxa uu u guntaday in uu barto tafsiirkiisa iyo axkaamta shareecada islaamka.

Goortii uu lixaadsaday cumrigiisuna noqday 18 jir, ayaa macallinnimo loo xilsaaray, dugsi ayuuna ka furay tuulada Burjirriqo, ee ku taalla agagaarka Xarardheere, halkaas oo uu bare ka ahaa 8 sannadood.

Xaajigu waxa uu ku soo caanbaxay nabaddoonnimo, afmaalnimo iyo sidoo kale codkarnimo, waxana loo caleemo saaray Khaliifnimo waa ku hanuuninta dadka diinta muxammaddiyada ah e.

Xaajigu waxa uu ka qayb qaatay halgannadii gobonnimo doonka, 1941 kii ayuu ku biiray xisbigii SYL kana galay magaalada Hobyo, halkaas oo uu ka ahaa horseede weyn, Jago intaas ka duwan weligiis ma uusan qaban laakiin hadda ayuu ka shaqeeyaa akadeemiyada hiddaha iyo dhaqanka.

1922kii ayaa hibadiisa abwaannimo soo if baxday, dabkeeduna soo dhilay, markii ugu horreyesey bay ahayd ee gabay laga dheg maalay, gabaygaas waxa la oran jirey “Raddul-fusaan”, waxa uu Xaajigu ku difaacayey wadaaddada uu Jaallka la ahaa oo gabay xun loo tiriyey.

Maansooyinka xaajigu aad bay u fara badanyihiin qiyaastii 500 ilaa 600 Tixood way gaarayaan, qaar carabi baa lugu guuriyey, qaar ma kaydsana, qaar waa ay duubanyihiin, kuwana far soomaali baa lugu daabacay.

Xaajigu waxa uu aabbe u noqday 29 ruux oo isugu jira lab iyo dheddig, haddase intooda nooli waa 20 qofood, waxa uu aroos la galay oo ubadna u dhalay 7 ooriyood, ugu horreyntii waxa uu inan la yaal noqday isaga oo jira 19 sano, hadda la joogo 1978/79 waxa uu weli gacanta ku hayaa 4 ooriyood, waxa aanuu ku negyahay magaalada Xarardheere, walow uu haddana ka maqnayn magaalo madaxda oo ay Afo u joogto.



---0---