YoutubeSomalidoonSomalitalkSoomaalinewsDalkanewsHillaacAhlusunaShabelleDayniileGoogleYGHmail
Caddaawe Waxaa jirey walaalkiis ka yar oo la oran jirey Cabdullaahi Axmed Liibaan, bare ayaa xaajigu u ahaa
oo cabdullaahi wuxuu ahaa nin diinta si aad ah wax uga yiqiin iyo axkaamta shareecada islaamka,
markuu weynaadey bu ambabixiisii ku tegey itoobiya, halkaas oo uu ka noqday garsoore. Waxana dhacday
in uu ku negaaday meeshiisii oo uusanba dib u soo laaban, war iyo wax kalenaba laga waayey.

Hooyadii labadooda dhashay ayaa jeclaatay una hilowday aragtidiisii wiilkeedii cabduullaahi ahaa.
Hooyo muumino Cumar ( xaajiga Hooyadiis ), waxay la joogtey wiilkeeda xaaji maxamed agagaarka
degmada xarardheere, sida laga wada warqabo berigaas safarku aad buu u cuslaa gaadiid xumo darted.

Haddaba isaga oo doonaya xaajigu ruux uu fartiin ugu sii dhiibo walaalkiis cabdullaahi, ayuu nin mar
dhow dhintay lana oran jire caddaawe dheere, hasa yeeshee caddaawe dadaal kuma caga waadin, waana la
raagsaday, kolkaas buu xaajigu caddaawe kuyiri:



Caddaawow ragaataye haddaad socod rumaynayso

roobada haddaad xiratay eed hilinka roorayso

rabbi baa ammaan lehe haddaad qabatid reerkaaga

ruun-xamar haddaad gaartid iyo riiqa beledweyne

rastadaa xiriirtee wixii rag iyo baabuur ah

risaala u dirtaa iyo indhaha ragax ku siisaaba

cabdullaahi raadiye haddaad aragtid ruuxiisa

kacbadii runta ahayd hadduu xumo ku soo reebay

qabrigii rasuulkii hadduu ribix ka soo qaaday

rabbise uu yaqaan hooyadaa raalli ma ahayn dheh

ruuxii yimaadaba adey kaa run jerisaa dheh

ciddoo ruxata rabiddaa adey weyd la rorogtaa dheh

rundud iyo allow soo ridey Ari ku raacdaa dheh

sidii inuu raggeedii le’dey rorog ku boydaa dheh

sida riixdii nabi yuusuf bay kugu riyootaa dheh

haddii uusan roobkaa imaan ima rabee tiil dheh

ninkii ribixa diineed ku baray reera maganey dheh

raarya ceel ragguu dhalay hor weli uguma raaxeyn dheh

rafaadkii adduunyada nin kale ugama reedeyn dheh

rayad maaha iyo riibi geel lagala rooraa dheh

ri' madow haddii aadan ahayn rabay abaalkiis dheh

------

Cabdullaahi: Xaajiga walaalkiis.

-----00-----