YoutubeSomalidoonSomalitalkSoomaalinewsDalkanewsHillaacAhlusunaShabelleDayniileGoogleYGHmail

Caddaawe

Waxaa jirey AUN xaaji Maxamad Axmad Liibaan (Axyaa waddani) walaalkiis ka yar oo la oran jirey Cabdullaahi Axmed Liibaan, Bare ayuu xaajigu u ahaa oo

Allaha u naxariistee Xaaji Max'ed Axmed Liibaan "Axyaa Wadanii" wuxuu noolaa sanadihii 1904 - 1989.

Waana tan Taariikhdiisii oo kooban iyo Maansadiisiiba ee fadlan haddii uu Qoraalku kaa
degdego Muuskaaga dul gey meel ka mid ah Bogga Qoraalka socda si uu kuugu joogsado.

WAA KAN HORDHACA SUUGAANTII LAMA ILLAAWAANKA AHAYD EE XAAJI MAX'ED AXMED LIIBAAN.


Ururinta Buuggani ma ahan mid soo koobi karta Qirada Maansadii Xaaji Maxamed Axmed liibaan, balse waxay noqon kartaa Biladaye laga eegi karo, guud iyo gun ahaanba Fikradaha qotada dheer ee Xaajiga Maansadiisu ku saleysnayd.

Xaajiga oo Maansadiisu baaxad weyntahay waxay Dacallada ku soo hareeraynaysaa Degaanno fara badan, sida: (1) Waddaniyadda, (2) Bulshada (3) Jacaylka, (4) Diinta iwm.

Haddaba Aniga oo og in aan Warqado faro ku tiris ah lugu soo koobi kareyn ayey haddana lagama maarmaan noqotay in aan Tin iyo ka cirib isaga keeno.

Haddaba Xulka Maansooyinka uu Buuggani ka koobanyahay waa kuwii aan Doorka biday in ay soo If baxshaan Murtida Waayo aragnimo ee Xaajiga, waxa aanna islamarkaaana ka xumahay ANiga oo ay Muddadu igu gaabnayd awgeed in aan Doc faruuray kalana dhantaalay Tayadii ay lahaan kari lahayd Midnimada Maansadiisa iyadoo idil.

Haddaba Buuggani wuxuu kugu soo dhaweynayaa 22 Gabay, iskuna Waa’ laguma maansayn iskuna Munaasabad ma ahayn, walow intooda badani ay isku Falsafad yihiin, Qaarkood waxay kahorreeyaan gobannimada, Kuwo way ka dambeeyaan, intooda kalena waxa ay la curteen oogtii Kacaanka 21 kii October, 1969kii.

TAARIIKH NOLOLEEDKII XAAJI MAXAMED AXMED LIIBAAN.


Xaaji Maxamed Axmed Liibaan, waxa uu dhashay 1904tii, waxa uu geeriyooday Allaha u naxariistee 23-7-1989 waxa uuna ku dhashay agagaarka Magaalada Xarardheere, Xaajiga waxa ay isku Hooyo iyo Aabbe ahaayeen Wiil iyo Gabar waa Cabdullaahi iyo Xaliimo e, waxayna isku Aabbe ahaayeen 7 oo kala ahaa Faarax, Cali, Muxummad, Cabdulle, Xasna, Xabiiba iyo Faadumo.

Waxa uu ku soo dhex barbaaray Qoyskooda, Malcamad Qur’aan ayuu billaabay isaga oo ay Da’diisu ahayd 7 Sano, Qur’aanka markii uu bartay waxa uu u guntaday in uu barto Tafsiirkiisa iyo Axkaamta Shareecada Islaamka.

Goortuu lixaadsaday Cumrigiisuna noqday 18 jir, ayaa Macallinnimo loo xilsaaray, Dugsi ayuuna ka furay Tuulada Burjirriqo, (agagaarka Xarardheere) Halkaas oo uu Bare ka ahaa 8 Sannadood.

Xaajigu wuxuu ku soo caanbaxay Nabaddoonnimo, Afmaalnimo iyo sidoo kale Codkarnimo, waxana loo caleemo saaray Khaliifnimo (ku hanuuninta Dadka Diinta Muxammaddiyada), waxa uu ka qayb qaatay Halgannadii Gobonnimo doonka. 1941 kii ayuu ku biiray Xisbigii SYL kana galay Magaalada Hobyo, halkaas oo uu ka ahaa Horseede weyn, Jago intaas ka duwan weligiis ma uusan qaban laakiin hadda ayuu ka shaqeeyaan Akadeemiyada Hiddaha iyo Dhaqanka.

1922kii ayaa Hibadiisa Abwaannimo soo ifbaxday, Dabkeeduna soo dhilay, Markiiugu horreyesye bay ahayd ee gabay laga dheg maalay, Gabaygaas waxa la oran jirey “Raddul-fusaan”, waxa uu Xaajigu ku difaacayey Wadaaddada uu Jaallka la ahaa oo Gabay xun loo tiriyey.

Maansooyinka Xaajigu aad bay u fara badanyihiin qiyaastii 500 ilaa 600 Tixood way gaarayaan, qaar Carabi baa lugu guuriyey, qaar ma kaydsana, qaar waa ay duubanyihiin, kuwana Farsoomaali baa lugu daabacay.

Xaajigu waxa uu Aabbe u noqday 29 Ruux oo isugu jira Lab iyo Dheddig, haddase intooda nooli waa 20 Qofood, waxa uu Aroos la galay oo Ubadna u dhalay 7 Ooriyood, ugu horreyntii waxa uu Inan la yaal noqday isaga oo jira 19 sano, hadda la joogo 1978/79 waxa uu weli Gacanta ku hayaa 4 Ooriyood, waxa aanuu ku negyahay Xarardheere walow uu haddana ka maqnayn Magaalo Madaxda oo ay Afo u joogto.

01- CADDAAWE.

Waxaa jirey walaalkiis ka yar oo la oran jirey Cabdullaahi Axmed Liibaan, bare ayaa xaajigu u ahaa oo cabdullaahi wuxuu ahaa nin diinta si aad ah wax uga yiqiin iyo axkaamta shareecada islaamka, markuu weynaadey bu ambabixiisii ku tegey itoobiya, halkaas oo uu ka noqday garsoore. Waxana dhacday in uu ku negaaday meeshiisii oo uusanba dib u soo laaban, war iyo wax kalenaba laga waayey.

Hooyadii labadooda dhashay ayaa jeclaatay una hilowday aragtidiisii wiilkeedii cabduullaahi ahaa. Hooyo muumino Cumar ( xaajiga Hooyadiis ), waxay la joogtey wiilkeeda xaaji maxamed agagaarka degmada xarardheere, sida laga wada warqabo berigaas safarku aad buu u cuslaa gaadiid xumo darted.

Haddaba isaga oo doonaya xaajigu ruux uu fartiin ugu sii dhiibo walaalkiis cabdullaahi, ayuu nin mar dhow dhintay lana oran jire caddaawe dheere, hasa yeeshee caddaawe dadaal kuma caga waadin, waana la raagsaday, kolkaas buu xaajigu caddaawe kuyiri:

Caddaawow ragaataye haddaad socod rumaynayso
roobada haddaad xiratay eed hilinka roorayso
rabbi baa ammaan lehe haddaad qabatid reerkaaga
ruun-xamar haddaad gaartid iyo riiqa beledweyne
rastadaa xiriirtee wixii rag iyo baabuur ah
risaala u dirtaa iyo indhaha ragax ku siisaaba
cabdullaahi raadiye haddaad aragtid ruuxiisa
kacbadii runta ahayd hadduu xumo ku soo reebay
qabrigii rasuulkii hadduu ribix ka soo qaaday
rabbise uu yaqaan hooyadaa raalli ma ahayn dheh
ruuxii yimaadaba adey kaa run jerisaa dheh

ciddoo ruxata rabiddaa adey weyd la rorogtaa dheh
rundud iyo allow soo ridey Ari ku raacdaa dheh
sidii inuu raggeedii le’dey rorog ku boydaa dheh
sida riixdii nabi yuusuf bay kugu riyootaa dheh
haddii uusan roobkaa imaan ima rabee tiil dheh
ninkii ribixa diineed ku baray reera maganey dheh
raarya ceel ragguu dhalay hor weli uguma raaxeyn dheh
rafaadkii adduunyada nin kale ugama reedeyn dheh
rayad maaha iyo riibi geel lagala rooraa dheh
ri' madow haddii aadan ahayn rabay abaalkiis dheh
-----00----
Cabdullaahi: Xaajiga walaalkiis.


(2) ILAAHOW SAYIDDII.

Ilaahow sayiddii lo’i waa sano guurtoo
golaheed lama seexdo, arina soof mahagaago
Geelu suuqna ma haysto birna waa lugu seemay
nin adduunyo la seexday sahwi buu ku jiraa
Beeri waa ka sal guuroo dhawr sabaan ma cagaarin
beledna soori ma taalloo isba waa siryar oodan
Safareey wuxuu keenuu subaxdii ka gataa
Sebenkii ku haleela haddii aad ka sekeyso
addimmaa lugu siiyee somalaan war qabaahe
meeluu suus ka rogmaayo sahan waa ka negaadoo
Sina' aa dhulka haysa, soddohdii la jeclaa
iyo wiilashiiu samaa oo gabdhaheeda la seexday
sarriigtii u dhexeysey sidoodii hore maahan
saaxiibkaan biri goynin wax sabaan kadambeeyoon
siismo deyna ahayn baa been la suudaliyaa
soofkii kaa dibbadooba subaxdii lama gooboo
in-cawaa la sugaa tuugna saan tiro maayoo
oogaduu ka salaa oo summadduu holmiyaa
wax kitaab ka sokeeyana looga suusicin maayo
isna waaba u saadoo horay buu u sitaa
soorti aan la bannayn baa badi uunku sitaa
si waloo wax layeeloba samir baan fadhinnaa
surucaad iyo baahi sakaraad naf ku gaartay
haddii aan wax la siinnin silic bay ku baxdaa
Ilaahow sayiddii nin kaloo la su’aaloo
suldaanow la yiraa asalbuusan sarrayn
siduu doono falow siiyihii rabbiyow
Subacyaal toddobaa soddonkooda juskaa
salbanii al baqrood sanulqii al cimrood
subxaan oo nabigeenna sancadii lugu dheelmay
badi loogu sifeeyey yaasiinoo ka sarreeyoo
sayidnimuu magacaaban xamiimyaalkii sinnaa
iyo Fatxi seeda kabaa arraxmaan wax ma seege
waaqicoo nin sugaayoo qiradeeda an seegin
oo subax noolba aqraaya wax siin loo ballan qaaday
xashar oo rag sujuuda wajigii sartu deysey
oo nabigooda salaamay isimkey sahmiyeenoo
san ku neefluhu waayey isi saarka dambeeya
si weyn loogu tuhmaayo falaq iyo saaxiibki naas
oo sixiryaal furfuraa inta suurad qur’aan ah
sir wixii ku qarsoonoo nabigeenna la siiyaan
su’aal kuugu galliimay, asma’daada sagaashan
iyo dhawrka siyaado isimkii u sarreeyoo
wax lagaaga su’aaloo siinti aan la gefeynoo
lama seege helaa, adigaa ku sanceeyey
kuna saabil daboolay kana sooci yaqaanna
hadba aan waxna seegin waxna haatan sugaynin
wakiil aan la sireynna kolba noogu sokeeya
iyadoo dadku seexday sahmileylki dhexdiisa
selelkaa iga yeeroon baryahaaga ku suuxay
saacadii la ajiibo su’aasheyda ku yeel
aadiyoo xxxxxxxx seyma raaya ku keen
Roob aan saacadni soortii uu bixiyaa
sunta gaajo ma reebto ummaddaas siriraysoo
soof intuu ka dhammaaday sina goytidu hayso
wax sabool ku il qaadoo sanadkaa ku tilmaaman
dhulka manta ka sii.

---00-----

(3) FAADUMO ASLUUBO.

Tixdan wuxuu shaacirku tiriyey isafgoo la ballamayey haweeney uu aroosayey, isagoo tusaaleynaya waddada nolosha wacan iyo dhegsamida wuxuu u sheegay inuu yahay nin aan u badnayn inuu joogo gurigiisa oo ah dal mareen iyo gar qaybiye ugana digaya ibliis iyo u eke aadmiya, islamarkaas ka codsanaya in aan laga weyn gurigiisa wixii lugu hami lahaa joogistiisa, wuxuuna yiri:

Faadumo asluuboy haddaad war iga eegeyso

axdigii ilaah iyo haddaad aammin garanayso

Ikhyaar iyo ardaal niman haddaad kala aqoonayso

Ilya laab aqoon iyo haddaad labac ilaalayso

armaatiga wadaad iyo haddaad edebti dhawrayso

ooddii an leexiyey haddaad hilin abbaarayso

awrki an kuu raray haddaad daba aluugayso

alif baan billaabaye haddaad baqara aadayso

waanada ilaahey haddaad iga ajiibayso

ammin galaba leylkii haddaad ila salaadayso

asaxaabihii iyo haddaad weli ammaanayso

ikhwaankii yimaadaba haddaad dhab u aruurayso

arxibada tolkey iyo haddaad alabka dhawrayso

ubadkii an leeyahay haddaad agab u qaadayso

uju-aaju hoosiyo haddii erey lagaa waayo

isimmada ilaahey waxaan aammin ugu dhaartay

waa inaan wax igu owdanaa kuu if- bixiyaaye

haddii kalese uurkaygu waa sida ugaareede

waa sida abaar meel naq ey cidi ka aaddaahe

waa sida awaaraha dabayl ama dayuureede

waa sida abaadhaaway iyo odayadeediiye

waa sida Allow iyo shallaay lugu abaadaahe

waa sida allaha aynabee xaygu aaddiyaye

ammaana alla Naag la unko waa lo il bixiyaaye

dabadeedna waan kala ogaan labada oodoode

waa kuu awaal digahayaa xumo lagaa awdye

ambaqaad waxaa layga sugi Urur islaameede

ama awliyada shiikhyihii aayaddii baraye

haddaan aado amarkii ilaah kana imaan waayo

isha laga mud waa kuu imaan odagi shaydaane

waxna uga eg aadmigu hadduu belo abuuraaye

naagtii nin aakibaba waa daba aguugaane

oogadu ha maalaysatee kama baqaan eede

idil reerka kuma aaddid yey ku oran doonaane

bal ilaah qofkee ul u sitoo ila ilaalaa dheh


waa kuu awaal digahayaa xumo lagaa oodye

nin abaal lahaa jirey hadduu guriga soo eego

abtirsiinadii hore haddii lugugu eedeeyo

Alla wade islaameed hadduu iridda kaa seexdo

kuma oran allaan leennahee guriga oodayso

mana ahan sidii aqal garoob inaad ibaaxayso

------00-----


4)-ILAAHII NA UUMAY.

Tixdan soo socota waxay ku saabsantahay uuna shaacirku ku aaddiyey dagaalkii Masar iyo Ingiriis 1956 kii, markaas oo soomaaliduna xurriyaddooda baadi doonaysey, ayna weliba dadka soomaalidu kala qaybsanaayeen oo gabal la jirey ajnebiga, aynanna haysan xoog ay ku raacaan, soomaalida xurriyaddooda u dhimanayana aysan ku jirin, marka waxaa jirta munaasabad isku xirtey labadan sheeko oo laga garan karo shaacirka hadalkiisa ingiriiskuna ku dhaartay in uu Masar ku qabto 24 saac, taas oo dhammaan dawladaha muslimka ahi aad u sugayeen wixii ka soo if baxa arrintaas, wuxuuna yiri Xaaji Maxamed Axmed Liibaan:


Ilaahii ina uumaan addoonkiisa ahaynow

intad aadan ka beertoo cumrigoodu in gaaray

amaad meel ka inqaabtay oo yaraantii ku umaadday

haddii lasyu ururshee jumaladdaa idilkeedu

malaayiin ay ahaato alla tuug baryaheygu

haddii uu la ekaado adigoon i ajiibin

ama aan iga oofin arwaaxdaad igu uuntay

ilxaaxaaga madaayo, iriddaa kama meero

meel kaloo an ka aado asal baadan abuurin

in ilaah ku labeeyaa mustaxiilad ahayd

waxan caawo iraahdo ajiiboo iga yeeloo

aysan gaalo adkaanin,


ilaahii ina uumoo addoonkiis ahaynow

innagoon addimaysan ama aalad lahayn

amaan uunku is raacin weliba eebo la liic ah

raga aamini diiday meelu aadana waayey

uurka daallim ahaanta ummaddii kula joogo

haddii aasiya manta laga woota adkaado

aabilow ingiriisna maser oodda ka saarto

ilbikaaci yaraayoo iftiinkii nooga baxaayey

inkir buu ku jiraaye ilaahow i ajiiboo

aysan gaalo adkaanin.


Shaacirka ilaah wuu ka aqbalay rabbi tuuggii waxaana lugu noolaaday nasri iyo guul.

-----00---


(5) R A A L L I Y A .

Tixdaan gabayga ahi waxa ku saabsantahay tilmaan uu shaacirku ka bixiyey dumarka midda hagaagsan iyo midda haneesida ah hawsheeda ku fillayn weliba ay dheeraad u tahay qababaalka guri joog oo aysan heshiis kula ahayn ninkeeda, wuxuuna yiri:

Tixdan gabayga ah ee “Raalliya” waxa la tiriyey 1934 kii, waxayna ku saabsantahay tilmaan uu xaajigu ka bixiye dumarka middooda hagaagsan iyo tooda heneesiga ah.

Shaacirku xagasha uu ka eegay dumarka iyo qiimayntooda waa mid uu isla isagu uu waayo arag u yahay, iyadoo in la qeexo lana tibaaxo shaqsiyadda aadmiga XXXXXX haddana xaajigu wuxuu si aad ah noo taabsiinayaa noona dareensiinayaa sifaha uu dumarka dhaqankoodu u kala hormarsanyahay, xaajigu wuxuu baafinayaa mid ra’yi leh iyo middii “rigan”, haddaba Gabaygan sheekadiisa waxaa jaaj iyo saqafba u ah Dhaqanka dumarkii reer miyiga ee uu xaajigu la noolaa, gabaygan raalliya waxaa ka soo carfaya carafta udugoon ee ay afada raallyadu leedahay. Xaajiguna wuxuu sidiisaba u jecelyahay dhabaysh gaarida ah, sida uu u yiri Xasan Sh. Muumin “Ralliyo ninkii qabaa ragannimo ku faanee, ayuu xaajigu isla fikraddaas u rumaysnaa.

Haddaba waxa uu Xaajigu Gabaygiisii ooddda ka qaga qaaday oo uu yiri:


Ra’da gabay rijaaley bal aan rara ku duudeeyo

Ratiguu ku meel mari lahaa kebeddi aan saaro

wuxuu raasyoone u lahaa rabona aan saaro

Rastadii la qaadsiin lahaa rumana aan sheego

Aan riishaddiyo liifadii labada soo riixo

Ramaas baxay rugtuu dego balaan raqa ka daaqsiiyo

Aan rakaadsho meeshuu rabaa ribix u yaallaahe

Aan riibigii cuni lahaa rugan lahayn geeyo

Aan raaya xoogliyo dagaal rag iyo nool keeno

Aan raage mooyee nin kale hadalki rookeeyo

Naagaha rubbaan iyo balaan raca bisley eego

Mid ra’li leh iyo tii rogan balaan labada sii raadsho

Haddii raalli ley yahay balaan rar iyo haan saaro

Aan kala ratibo duulku waa raranya miid roobe


Reerkaaga oo lumay midbaa la iska riixaaye

Riyaatiyo colaad midan qalbiga waana loo rabine

Sidii rabaddin geel helay midaan reed lagaa marine

Hadduu ruuxu kaa dhici midaad rama tiraahdaaye

Wax kastoy rafaadido midaa raalli loo yahaye

Riixaan midaa wadata iyo raqay ammaaneede

Rabbigey nasii waa midaan rabi uwaadaaye

Haddey ruuxdo waa tuu ilaah raaxo geliyaaye

Waa taan indhaha looga rogin raranki naareede

Waa taan cadaab lugu ridaa rucub ka iimayne

Waa taan ragaad muday mas iyo halaqu raaf goyne

Rabbigeyba raalluu u yahay Nabi la raacsiiye

Ruunkaa ku fura nimuu rabey raar u huruddaaye


Reerkeeda miduu kaa rudaa riibe iyo jiire

Sidii raxankuwaagii mid baa laga rabbeeyaaye

Rundudukii ku raacaba midaan rogon lagaa wayne

Rabaax lugu nibdaadiyo midaan raayo kuu degine

Goortay rag doon tahay midaa ruqe ku daaqaaye.

Sida aan ka weriyey Xaaji Maxamed Axmed Liibaan 15-09-1978 kii, waxa uu ii sheegay in ay nadaafaddu tahay wax lagama maarmaan ah, welibana gaar ahaan. ha noqoto gurigaaga, carruurtaada, naagtaada iyo adigabee.

Haddii loo dhabba galo hoosna loo sii dhaadhaco waxan run ahaantii ka garanayey in uu aad u necebyahay Naagaha baalida ah, areebada ahee basanbaasku dishey ee Madaxeeda nafleydu ku xoontay, mar waliba midda goota ay rag doon tahay uu ruqe ku maagaayo, waxana uu aad u karhi jirey sidaba laga dhaagi karo tixda kore ibliista qaylada badan ee aroor kasta qaylisa, horeyna waa tii ay hooyo soomaaliyeed u tiri “aroor walba ibliis qaylisaa waa ehelu naare” xaajiguna sidoo kale wuxuu qabey ka yirina “aidii raxankuwaagii midbaa laga rabbeeyaaye”.

---00----

(6) H O O Y O .

Guushii Gobonnimada markii la hantay, baa waxa dhacday in dadkii madaxda ahaa badankoodii ku soo noqon waayeen golihii xisbiga, waxana billowday Waa’ cusub oo nin walba u guntaday in uu dano gaar ahaneed fushado, ujeeddadii xisbiga iyo qawaaniintiisiina waaba laga iishay.

Waxaa furmay axsaab siyaasi ku sheeg ah oo qabyaalad ku dhisan, taas oo midnimadii Ummadda soomaaliyeed wax yeellaysay, kala qaybsanaan iyo kala qoqobna ku ridday, kolkaas buu xaajigu golihii ku mitaalay hooyo ilmo agoon ah soo korisay, markay xoogaabeenna kala ambad iyo kala irdhow uu ku dhacay, mid midka kale ku hiil iyo hoo ahna la waayey/

Haddaba isaga oo aad uga xanuunsaday arrintan foolxumada iyo murugada leh, ayuu xaajigu la qarxay tixdan soo socota, wuxuuna yiri:


Arrin gabay beryahan leyga waa oday ahaanteede

hadduu aalad iyo xoog lahaa waan ka aalladaye

ayraabo kuma oomi karo dhego ka awdmeene

kuma oroddid meeshaan iftiin iridi muuqayne

arkina maysid tooskaan ilaah kugu abbaareyne

haddayse habari awlaad dhashee ubadya dhaar siiyo

uuryaalya haystimo haddey labada eegawdo

ilmahoon itaal bixin hadduu odagu maataysto

agoon iyo iltaamnimo waxay ku arraddey oonto

ilaah baa ammaan lehe haddii idil la xoogaabo

aroos iyo ilaw iyo haddii inammo loo guursho

axadkii intaa maray haddii la ag imaan waayo

anfac kale bal daa ee haddii iridda loo diido

ee oori wiil qabo gurigi ku istareexayso

inkaarkey tiraa waa inuu faraca aadaahe

Allaa i lehe saa waw egyahay aqalka leegoode


waa irid axdiga lugu maraa lana illaawaaye

waa irid adduun laga tabcaa lagana ootaaye

waa irid ayaankeedu yahay inammo xoogayse

waa irid abaal looga dhigay waan ahaan jiraye

iddaaraddiyo leegada waxan odayaduu sheegay

in wax garata aadmiga waxaan wada ogaysiiyey

ula jeeddadaan rabo waxaa ula dhiggeediiya


aaryada la qaatiyo guryaha laba albaabeysan

waardiyaha loo aamminee iridda loo taagey

armaatigiyo aalada fursada toban anwaacood ah

aasiyiyo orrobbo xurmada nalagu eegaayo


tanya Unada aadnee dadkaa idil u yaacaaya

nimanyohow intaas luguma helin ina adeeroowe

abtirsiinya reer hebel haddey guri iftiimayso

isticmaarsi baan lugu rareen odayadeenniiye

sida awrka geel baan xamuul lugu itaaleene

Allihiin hadduu alle yahoon eheb ka yaabayno

ninkii Dawladnimo loo abdhaa ayda yuu geline

amiirnimo ninkii lugu ismaa yuu albaab xirane

arrin wadaha soomaali yuu inaga weynaane

ammaanada ninkii la ag dhigaa yuu na aynabine

anfacada hadduu qaybsho yuu na arki weysnaane

eexaysi yuu nooga badin ina adeerkiise

isticmaarka yaan lugu ekayn uun ku baaba’aye

ikhtilaafku yuu noqon midaan abid dawoobayne

uur kala bukaa yuu arlada naga abaartayne

raggii la eryey yey noo imaan odayadoodiiye

ammaano alla waan iri illaa maqalse awrowye

----000----

(7) R O O B D O O N - 1932.

Waxaa dhacday abaar sooma reebto ah, una sii badnayd gobolka mudug, sanadkii 1932 kii, abaartaasu waxay keentay in dadkii badankoodu u kala dalaabay gobolladii kale, ruux kastana waxa uu u dalaabay halkii uu ciirsi biday, waxa ka dhacday “nin walbow naftaa, nabiyow ummaddaa”, geddiyada webiyada baa dadkii intii ruqatay mooyee intoodii kale ku xoomeen.

Xaaji maxamed oo markaas ka ahaa bare malcamad qur’aan, carruurtiisuna aysan weli lixaadsan, baa is beddelkaas dabeecadeed ka damqaday, maxaa yeelay nafleydii baa abaartu si xun oo daran u saamaysay, taasina kaar iyo kulayl bay gelisay xaajiga, shucuurtiisii baa moosyadii jebisay.

Sidaas darteed buu ilaahay wuxuu ka baryey in uu roob soo di’iyo iyo in uu ku mannaysto ducdiisa oo la aqbalo, wuxuuna ku billawday gabaygiisii sidan:


Kariimow kor buu naga maraa tan iyo kowdiiye

Kariimow kolkuu soo baxuu kala wareegaaye

Kariimow abaar oo kacdaan lugu kuraydayne

Kariimow kashii aadanaan kiil culays geline

Kariimow nin kaaf dhiga la waa kuu yahoo idile

Weliyada karaamada leh baan iri kariim tuuga

Cabdulqaadir kaylaani iyo kii ku caabudaba

iyo kii saqiirahan rabaa inad karaamayso

Kalaamkayga eebbow ajiib waan kulaylnahaye

kun ninkii ka dhiibiyo ninkaan laba maqaar keenin

kulligood haweenkii la waa nimay la koodaane

ninkaan koore geel iyo lahayn ariga kooxaaya

kaydikii cunnimo wiilashii kaliya noo haystey

kalya mooye guurkii ahaa kaasi noo darane

Kariimow dadkii kala tegyoo koofur loo badaye

Kariimow kuwaan dhalay dalow kama kacaayaane

Weliyada karaamada leh baan iri kariim tuuga

Cabdulqaadir kaylaani iyo kii ku caabbudiba

Iyo kiisaqiirahan rabaa roob inuu helo e

Kalaamkayga eebbow ajiib waan kulaylnahaye


Kahfi iyo wattiinow kacoo ila kariim tuuga

Kalladii baraad iyo rubboy idinna kaalmeeya

inta kac iyo luu loo dhigaay kararya roob keena

Kaahiya cammiyo haakumow nabi kacoo aada

Kalaamkii ilaahoo dhamow aniga ii kooda

oo waxaan kariimkay ka rabo kaliya ii tuuga


Kabca yaman kax iyo luuq intii kooxa beer cigama

kabta adari keenyiyo nugaal kabaxa reer suuri

kurjigii baraawiyo taleex hobaya kaadkooda

kobta ceel cad kuudkii hakaba keliga goobweyna

kismayiyo berbera laamo iyo saraha kaardaaye

kurdadduu dhaxaysiyo intii kaba islaam yaallo

kunturaad ilaah hawga dhigo saymo kala gaara

iyo kayd u badan meelihii kicinka loo diiday.

---00--—


ILAAHII UUNKA UUMAY.


Allah allah yaa raxmaan allah allah yaa raxiim

Allah allah yaa kariim allow ajiib waxan iraa.


Ilaahii uunka uumayow addoomankiis ahaannayoon

sidaan u iillanayn ogow, aysan orobbo noo adkaan.


esway elba ururtayoo unay akhbaaro aaddiyeen

addoonnimaan ku iilannee aysan orobbo noo adkaan


ardaalladii ururayoo u iishay uumatey cunaan

ka eexday aadankaan rabnee aysan orobbo noo adkaan.


Ilaah og eexda kii wadoon illaawin kii ambiibahow

adaan ku aammin saarannee aysan orobbo noo adkaan


anaaniyaan ku iilannoo bar uunka aakhiruu jiraa

intii an laysku keen idlayn aysan orobbo noo adkaan


agoon iltaamtay baan nahoo ifriiqiyaan ku oommanayn

ishaa iftiin u muuqatee aysan orobbo noo adkaan


awel ninkii il duuganoo gar eex leh loo adeejiyaa

ambiibnimuu ku aakhirtee aysan orobbo noo adkaan


Adduunku waa ayaan dhaxmoo abaarya aaran ways xigaan

Ilaah waxan ahayn ogow aysan orobbo noo adkaan


Islaam ninkii iqraarayoo ilaah waxdaaniyuu ogow

ha iibsan reer ifriiqiyoo anfaaci yuusan kuu adkaan


amxaarya reer orobbiyaan ixsaanka ay abuurayaan

addoonnimaan ka aawilnee siyaaso yeysan noo adkaan


insaanigiinnu waa islaam arxaamna waysu nuujisaan

ixsaanna waysku haybsataan siyaaso yey idiin adkaan.

---00---

09- G U U R .

Gabaygan waxa uu xaajigu tiriyey sanadku markuu ahaa 1934kii, curintiisana waxaa sababu ahaa isla hadal iyo dagaal xarig jiid ah oo ka dhex aloosmay xaajiga iyo naftiisa. Gocasho uu higsanayo afadii uu sida aadka ah u jeclaa ayaa sal iyo baarba u ahayd curinta tixdan. Niyadda xaajiga oo si aad ah u khushuucsanayd iyo dhaliishii uu ka mutay naagihiisii kale ayaa badidn ku dhalisay in uu xaas kale dib u guursado, isagoo islamarkaana jeclaa inuu guursado. Xulashadii afo kale ee uu guursan lahaa ayaa ku adkaatay.

Iyada oo uu haddaba dhaqankiisu u kala qaybsanaa xoolo dhaqasho beer iyo waxyaabo kale oo badan ayaa cabiidinaysay, sidaas darted isaga oo ka cabsi qabey in uusan dib u heleyn afadii ka dhimatay mid kalinteediiu buuxisa ayuu sidii cabdalla sagsaag is yiri: “aammintaayey, Naftu orod bay kugu aammintaayey!”

Haddaba hididdiilada xaajigu waxay u badnayd xoolo dhaqasho oo xagg a beerta sidaa uguma hanweyneyn, sidaa darted wuxuu dhaliilay dumarkii uu la noolaa xoolo dhaqiddoodii, didaa awgeed buuna ilaah uga baryayaa in uu siiyo aradda lugu ducaysto xoolo dhaqiddana ku filan in uu hanto gacanteeda, sidaas buuna tixdan oogta kaga caddeeyey, wuxuuna yiri:

Ilaahow dhur xoolaad mid aan dhaqan u reereeyo

Ilaahow dhasheydaba midaan kala dhaqaajeynin

Ilaahow waxaan soo agdhigo midan dhulkuu diidin

Ilaahow mid nugu dheefiseen dhagar ahayn duugan

Ilaahow mid dhawgiyo lafaha labada dhawraysa

Ilaahow waxaan dhaho midan cida ku dhuugaabin

Ilaahow mid labadii dhashaba dhaqan u reeraysay

Ilahow midday dhihi jireen dhur iyo maan yeelo

Ilaahow mid lays dhaho dhashuu nabi ogaa weeye

Anaan cawri dhool biro intee lagu dhigaalaayey

Ee caano nugu dheefisaan yu’asho dheereeyey

Allahayow soo dhawey meel haddey naga dhaqaaq joogto

Haddii kalayse ay naagu dhul tahay labada dhaayood tus.

--00—


(10) ILAAHOW DHADHABADII.

Shaacirka Xaaji Maxamed Axmed wuxuu tixdan gabayga ah tiriyey, isagoo raacsiinaya tix kahorreysey ee uu ilaahey uga baryey inuu siiyo naag aqoon u leh dhaqanka xoolaha iyo dhaqanka guriga loona dhex maro dumarka, haseyeeshee uu guursaday haweeney taasoo uusan kala kulmin himilooyinkii uu u hanqal taagayey markaas ayuu soo rogaal celiyey rabbi tuuggii isagoo sheegaya in baryihiisii weli taagayihiin, wuxuuna yiri:

Ilaahow dhadhabadii ma deyn iyo dhawaaqdiiye

Ilaahow dhibaatadu adey weli ku dhawreehe

Ilaahow nin kale looma dhihin dhib iga goydaase

Ilaahow hawadu waa dhexoo wax uma dheeraane

Ilaahow dhambalihii haddey dhigaha fuulaane

Ilaahow ma kala dhiibi karo dhabaha ii yaale

Ilaahow barkimadaa dhextaal amase dhoontiiye

Ilaahow wax rer lugu dhaqaan dhure u laabnayne

Ilaahow dhabayl kama aqaan kun iyo dheeraade

Ilaahow middii loo dhex maro ma anan dhaafeene

Ilaahow dhar bay wada sitaan idil dhammaantoode

Ilaahow dhawaqa yeelay baa ugu dhacaan roone

Ilaahow mid aan dhego adkayn dhabaha ii keene

Ilaahow salad dhawran baad xumo ku dhaaftaaye

Ilaahow middii dhaanta waan kala dhimaynaaye

Ilaahow islaamkoo dhanbaan dhaqan wadaagnaaye

Ilaahow mid dhaw tacab ah waa uma dhawaadaane

Ilaahow adaan dhego la’ayn igana dheerayne

Ilaahow waxaan dhahay adaan dhigay agtaadiiye

Ilaahow dheyeli maahe waa iga dhab eedeede

Ilaahow I soo dhugo adaan dhego dammoonayne.

---00----

11- B A A R L E E F.

Carabtu (masaaridu) markii ay ceshatay dhulkii yuhuuddu ka qabsatay 1973kii buu xaajigu u riyaaqay sida geesinnimada leh ee ay libinta u soo hooyeen, waxayna ahayd waqtigii la xoreeyey Baarleef – saldhiggii adkaa ee loogu talo galay in ay yuhuuddu ku caabiso maser, dhul badan oo yuhuuddu markii (dagaalkii 1967kii) ka qabsatayna laga xoreeyey.

Arrintan oo yaab ku ridday adduunka oo dhan iyo xeeladihii lugu jebiyey luguna galay baarleef, ayuu xaajigu si kale ugu farxay, waxana uu tiriyey isla markii uu dhegaha ka qaaday in carabtu baarleef qabsatay, wuxuuna yiri:


Wiilkii Nin weyn lugu diree kalafku wiideeyey

Ee inuu waxyeel geysan karo wadar is taaweeyey

Ee waanadii naga wakoo wacad ilaah diiday

Ee weeraroo degey suweys iyo weylaadkeeda

Oo weliba baytkii wacnaa wacalladii geeyey

Weji nacadkii kibir hadduu subaxyo weynaadey

Anwar saade waaberi sabtuu waajibkii sugaye

Waxyeelkii ku dhacay buu welina mooshe cararaaye

Unadey warkeedii naceen loo warqado geeyey

Waanwaan haddii laga helaa nabad la weydiiyey

Lamana waabin karo ciidankaan laysu soo wacaye

Weji xumada siinaay u taal waayo aragowye

Waaxyaha yuhuud laga jarey walaqadii taale

Weligiis taleex yaan dibkiis daanis loo wicine

Ha wayraxo waraabuhu hadduu cuno waxaa yaale

Ha warjeefo weerkiyo dawacu xayrta loo waraye

Haadkii wax badan soomanaa hays wacaanwaco e

Ha wadiido wayd lama rabee kobocda waaweyne

Asal beeyan walaayada habreed diinta waafiqine

Gooshii wakaakiba colaad amar la weydiiyey

Haddey waa bariis weydo way walabash boydaaye

Walwalkiyo catawgeedu waa toddobo weel dhaane

Ha wareegto waagii beryaba eyda waalaniye

Warshadaha ilaahey ka baxay carabiguu weyne

Haddii laga dhex wacay nabiga waw waalid aadmiga e

Kala weecadkoodaa doqoni wabar is mooddaaye

Kol haddey is wada waafaqaan looma waaqsado e

Nin ilaah wakiilkiisa yahay guusha waa wadane

Ha wargeeyo waagii beryaba taar wixii dhacaye

Annagana walaalaha negee wadajir noolaaday

Wejigeenna nuur baa ka baxay waara abidkiise

Inta weer calaan iyo dawacu nugu wareegaayo

Wedka iyo waxdheef labadu waa noo wadaagsimo e

Wehsi iyo wax quur xumadu waa waxan bannaanayne

Weeradii amxaarada berguu waranku dhiigoobay

Waxtarkii naloo wadey cadwana lugu wareenteeyey

Ee waa la wedi waayey been nalagu waaseelshey

Waaliga caraabiya midduu nugu walaalaystay

Yaan niman abaal wedi aqoon talo la weydiinin

Yaan shalay waxay noo galeen tanu ka waydoobin

Yaan wadanahey noo tahee carab wax loo diidin

------------000-----------------

12- XXXXXX

XXXXXXX

.
13- ALIFYEEN.


Salli yaa rabbi calaa khayrul waraa axmadal haaddil amiin liculaa

Alif yeen yaa ibnu aaddam idilkaa arrin diid iilasho waayee qul allaah

B.teen baylah Soomaalaa badatee ballan yeeshoo baarrigaagii fasabbix




T. teen teennii horaataa tukcatee tafarriq yaan la lahaanine tattabic




J. yeen jowhar dalkeennay ku jirtaa nin ku jiifoon jabsanaynow jaahil bax




X. teen xeelad xumaa xoog badanaa xiska soomaali yaraaney faxakkah




Kh. teen khaatuma khiifkeed nin qabow ha khiyaamayn islaamkoo khalli dhac




D. yeen daawo soomaalaa degatee nin duroo diiday dad maahee ka danbax




R. teen roone ilaah baa na rabee ra'yi waa qoomka is raacee run ku kac




S. yeen qoonka soomaaloo sidkanow calafkaa gaalo ma saarree rabbi sug




Sh. yeen shawrkii dhamaa leeg u shaxee shan beraa laaban shaflaawow shaki bax




Dh. teen dhiig iyo dhuuxiis nin lahow rag dhankaagaa ku dhaxlaayee bal wax dheh




C. yeen caallaha soomaaliyahow cilmi laawow is cadwaantaye bal wax cun




G.yeen goyto walaalkiis nin gartoo cadowgiiisii u gargaarow god ku dhac




F. teen qoomka fariistoo wax fahmow farxaddaadii waa Tanya foogtee wax feker




Q. yeen qoonka soomaaloo qush la'ow qaddarbaa eebbe ku siiyee qod u bax




K. yeen kariimka allaan barinnee nin na kiiloo wax kasaayow adna kuf




L. yeen leego soomaalaa laxwisee nin lixaadkooda nacaayow adna lun




M.yeen mowle ilaah baan martinnee mehred laawow nin madoobow mar is gud




N. yeen nooliga aan ceeb ka naxayn nadwad weeyaan naq baxayne iska nac




W. yeen waaxidka soomaaliyahow is walaashoo wafdi yeeloo wax is tar




H. teen haatuf samaa hawsha wadee hawo laawow nin haraayow bal wax hel




Y. teen yeela wixii laydin yiraa yacgarkii ceeb u yaxaayow adna yac




Salli yaa rabbi calaa khayril waraa sayidkii eebbe sameeyow fasallim




-----000----







14- H I G S I .




Taariikhdu markay ahayd 1955kii, oo ay Waqti shan sano ah ay ka harsanayd Gobonnimo hantiskii ayaa Rag Odayaal ah la siiyey wax yar oo dhaqaale ah, Xaajiga oo ka mid ahaa horseedyadii Afhayeenka u ahaa Xisbigii S.Y.L. Halgana wax uga jirey iyo Rag kale oo dabadhilifyo ahaa kana caabbin jirey gobonnimada Gaaladana gacan siin jirey ayaa qaybtii saamiga loo badiyey, sida Xaajigu sheegay waxa la siiyey wax yar oo aan sidaa u buurreyn, qiyaastii 60/= Shs.




Danse kama gelin Xaajigu oo marwalba Danta guud buu danayn jiraye, Waxa Caddaalad darridaas Xaajiga lugu sameeyey dareemay Dabadhilifyadii, maadaama ay ogsoonaayeen heerka ay Halganka ku kala ahaayeen markaana waxa dhacday in ay Xaajiga la dul yimaadeen Digasho iyo Jeesjees si ay qasacadaha uga jebiyaan.




Sidaas darted Nin dabadhilif ahaa baa Xaajiga ku yiri Xaaji Maxamdow waadigii “Axyaa Waddanii” oran jiraye maxaad ka heshay, kaalay aan Aranjaato kaa bixiyee, sidaas darted isaga oo tusaya aan weli Galladdii iyo Waqtigii uu higsanayey la gaarin ayuu Xaajigu sidii Madfac darandoorri u dhacaya ugu asqaysiiyey Dabadhilifyadii Maansadan Higsad, wuxuuna yiri:




Inta Libin Dhulkeennaa Nin kale Libin ka doonaayo

Intay laabatiinnada Ajnabi Lacagta qaadayso

Lagsas iyo Quruumaha intaan Labo ku aadayno

Luqdaha orobbaad intii nalagu laylyaayo

Liiskii Talyaanigu dhigee nalagu liidaayey

Lixdanka iyo Luggooyada intii nalaku siinaayo

Ninkii liigga Soomaaliyeed Lacag ka doonaaya

Ee inay iyagu laayaceen geliyey Laabtiisa

Waw liiddanaan amase waw Laqaf habowgiiye

Bandiirada Lillaahida ahee Libin dambeedkiiya

Jeeroo Libaax iyo Bishii lugu liggaareeyo

Jeeraan Lisaan yeelannoo cadowgu noo liico

Jeeraan Libaas qaadannee bidix ka laafyoonno




Jeeray Wershadi laasinkaan Lacag ka tuuryeyso

Jeeruu Ilaahii lahaa Libinta noo quuro

Lama gaarin Laantii Janoon Miro u laabnayne

Lama gaarin Buug lugu lambaray lama illaawaane

Lama gaarin Qoom liqa wixii nugu luggooyaahe

Lama gaarin laahigu inay lacalla daayaane

Lama gaarin kii luri ogaa inay licaanaane

Lama gaarin loom iyo layiin labadi meeloode




------000---




(15) IFTIIN




Sanadkii 1952 kii waxaa dadweynaha soomaaliyeed dhexdiisa dhab ahaan ugu dhaaftay xarakadii ama dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka beled iyo baaddiye, meel kasta oo ay joogto ummadda soomaaliyeed, dhammaantoodna way u dheg raariciyeen dhawaaqa uu ugu yeerayo gobannimada waxaana wada ifay xiddigihii circa markaasbaa waxaa meeshaa dariiq uga ifay ama uga muuqday shaacirka waddaniga ah xaaji maxamed isaga oo dadka ugu bishaareynaya una oddorasya in waqtigiijirey ee madoobaa isu beddeley mid ka wanaagsan, wuxuuna tiriyey tixdan:




QASIIDDADII URUR.




Salaatu calayka samoo nabi nuure

Safkaa nin gelaahi sacaada miyaa?




Alxamdulillaahi alxamdulillaahi

islaamka ururay ifiinku miyaa?




Ururka billowday islaam anfacyaa

Il duuganse leego iftiimisayaa?




Baddaanya baddeeda intii bar madow leh

Cabiid ka baxayda banaanaddayaa?




Tolkeeya tolaaga kasoo tagnayaa

Towfiiqse ilaahey nagu toosiyaa?




Jawaasiista leego xuntooda jeraayey

Jawaabta la keenay ka jaahil miyaa?




Xigaalada leego intii la xarbaysey

Ilaah xamdigiise u xaakim miyaa?




Khaddaac iyo khaa’in khaddii ballankeeda

Haddaan la khilaafin la khaarijiyaa?




Dabool dahab saran asaan dad aqoonin

In leego ded qaadday war daahan miyaa?




Rabbaa na lahaaye rafaad laga daalye

Soomaali is raacu ka ruumi miyaa?




Soomaali ururtay suhaylya waqooyi

Meeshey u socdaani samaa’a miyaa?




Shubbaanta somaali shib yaan la ahaane

Nimaan la shaqayni shiddaale miyaa?




Dhulkeenniyo dhiigga intii na dhumaysa

In layska dhacshaahi dhabteenna miyaa?




Ciriiri adduunyo cabiidnimo weeye

Nin ceebi dhibtaase cillay ku hayaan.




Gadaashi nin waagu gu’yaal ka beryaayey

Asaan wax garaynin lug gaabi miyaa?




Faa’ilka leego fataanka duraaya

Inaan la fogeynin fayoobi miyaa?




Qallooca warkiisa nin qoomka la jooga

Asaan la qabaynin qaboobi miyaa?




Korkeenna madoobi intii wax kasaysa

In laysku kahaahi ku beena miyaa?




Labaatan nin gaaray wax waa la yiraahe

Aan laab isku raacno luggooyo waaye

Macaanida leego haddii la maleeyo

Mahdaa la filaahe miciinki miyaa?




Naftooda somaali nacii ka dhammaaye

Nawaaxi dhulkooda ka naa’ib miyaa?




Wallaahiya dhaare walaal an ahaanno

Ninkii wax ka sheegay washinsi miyaa?




Hawaariga haatan somaali hayaahi

Hanuun nin ka diiday hunkiisa miyaa?




Yamaan iyo shaamba yurub arladeeda

Somaali yed weeye yaqiintu miyaa?




-----00-----




16- Q A S A D.




Taariikhdu Markay ahayd 1944 kii, ee uu billaabay dhaqdhaqaaq Gobonnimodoon ah ayey ku timid Munaasabadda Qasiiddadani. Waqtigaas Shacbiga Soomaaliyeed siisiib ayuu ugu jirey Udubbada Isticmaarka. Gar iyo Gardarro waxay ahayd in la gaaro Xurnimo Taam ah, maxaa yeelay Ummadda Soomaaliyeed baa waxay fahamtay Xurnimada Macnaheeda iyo Macaankeeda. Ruux kastaba waxaa ku dhalatay Waddaninnimo oo wuxuu isku guubaabin jirey, waxa aan ka xumahay in aan hal Naf leeyahay laakiin isla iyada ayaan u hurayaa waddankeyga.




Mrka Xaajigu waxa uu ugu yeerayaa Ummaddiisa Wadajir iyo si la halmaasha in Ilaahey waafajiryo hadba rrinta teeda toosan, Xaajigu isaga oo u ducaynaya waxa uu haddana labadaraale u raacsiinayaan in ay iska qabtaan Labo Wajiilaha, kii qalloocan la hanuuniyo, hadduu diidona Dadka laga dhex saaro, waxana taa laga dheegi karaa Gabaygan QASAD oouu ku leeyahay Ninkii naga xumaada oomka yuusan hallayne Qabbaxaas ha la saaro, sidaas darted Xaajiga Gabaygiisa Qasad waxa loo tix-raaci karaa Xag-Diimeed, Xag Aadaninnimo iyo gaar ahaan Xag Soomaalinnimo, wuxuuna yiri:-




Qasadkeeda Soomaali Allahow qawiyeeyo

arrintii ka qalloocan Rabbi haw qummaneeyo

nin Qur’aankba diidey Qaddirkey ha ka deeqo

reer Qabiilo-Qabiilo Rabbigey ha ka qaado

quwo waaba qabaane Qalbi toosan ha siiyo

khaladkii nagu raagay Qod kaleeto ha aado

wax dhan baan qulbanayne Qalbigeennu ha nuuro

qunsulaad Muslimiina Qarankeennu ha yeesho

khilaafkoo ka dhammaaday Mahdi Qoom ha yimaado

qaneecaadka billowday Qabad Ruuxa ha gaaro

qushigey Nin yiraahda Qandaraas ha la saaro

hadduu qaabbili waayo Qoomku haysu yimaado

qalbiguu ka bukaaye Milkigiis ha la qaato

hadduu Qaylo ka keeno Meel qarsoon ha la geeyo

qoomka yuusan halleyne Qabbaxaas ha la saaro.




-----0000----







17- N O O L O W.




Qasiiddan waxa la tiriyey 1948 kii, Isticmaarku markii uu arkay in Dadkii Soomaaliyeed Ul iyo Diirkeed noqdeen ayuu la yimid Siyaasaddiisii ahayd “Qaybi oo Xukun” ileen Dad aan qaybsanayn oo midaysan Dulum luguma xukumi karee, waxana uu u adeegsanayey Dabadhilifyo Soomaali ah. Xaajiga si aad ah ayey u saameysay oo si qoto dheer ayey Nabarro u gaarsiisay guntiga Wadnihiisa. Haddaba si Karaardhaaf ah ayuu Xaajiga u fatahmay dareenkiisii, markaa ayuu ku maansooday tixdan hoose, wuxuuna yiri:-




Soomaaliyey Noolow Nin nacaa qabaa ha naxee

Isimkii soomaaliyahow Allahaa Aqoon u lahaw

Ha illoobinoo Ehebtaas isu aammin Oogo Madow

B.teen billaabashadii ma bannaana taad barateen

Burhaantaan Raggii badda’ow Bar Jannaa boggiinna ku taal.




T.teen Tanaadya Faqiir Tub qalloocan baad ku tagteen

Tubtu haatan waa tashannee Tolna waa Tilmaanta Madow




J- yeen Jameecada Leegaad jecelaa in ay jin noqdaan

Nin la joogee Jir nacow Jid qalloocan baad ku jirtaa




X- teen Xiskaa na galoo la xusuusay Xaalkii xumaa

Xaliimkii Allow na xuree nana xooji waan xamdinnee




Kha-u-teen Khabaarya salaax ma khasaarin khaaska Leegaad

Khayrna Khaatimuu ku le’dee Khaaddimkooda Khaa’in ka dhawr




Deel yeen Allow Duqowda leegaad ha la doonin Maanta dibkeed

Dad Nimey korreyn u dayaan Dacwaddooda Daawo kayeel




RA-u-teen rijaasha Leegaad ways rabaan Allow Run ka yeel

Rabbiyow Rasuulka jeclee Nimaad raacisaa ma ruqdee




S-yeen Soomaalida leegaad sey rabaani waw socotaa

Saadambaa Bandiiro la siin Mahdigii samaa ha sugtee




SH. yeen Shubbaanta leegaad ma shamsaa ma shaacaa beryaa

Ma Shariif Shaafici dhalaa ma Shucaaca Leyl qadriyaa?




Dha-u-teen Ninkii iska dhintow Dheg samaa dhafoorka ku taal

Dhib Soomaaliyeed ma jiroo iyagays dhaxlaaya dhammaan




Cayn yeen Calaama leegaad Cumrigood inaysan cabsoon

Cabdi Caaddilkaa ka dhigtee yey kaloo Cabiid u noqdaan?




Goyn yeen Gobbaa la noqdoo Nin gefaa Galbeed ka dhammaa

Nin Gadaal maraa ma jiroo Gibilkeennu waysu go’aa.




F.teen Fuxuushta leegaad Ficilkoodu waa Fas galas

Farmisyooni baa laheloo wax na faaraxshaa la filaa




Q. yeen Qusuusi leegaad ma qalloocna qaabey wadaan

Ninkii Qiimahooda rabow Qasadkooda Qoomka dammoo.




K. yeen Karaamo leegaad lama kaayo Kood ay qabaan

Kariim baa korreyn u kasee yey kaloo korreyn ka rabaan?




L. yeen Lisaanka leegaad waa Libaaxaan leexo maqleyn

Dad ninkii labaa lug go’ee Lixo maa la laali karaa?




M. yeen macaani leegaad muddo gaaban waa mahdigii

Nin maqaalladooda qabow ha maqnaane meesha imaad




N. yeen nisyaankii ba’yoo Nin madoobi waa nabbahaa

nac Soomaaliyeed ma jiroo Nasabkoodu waysu naxaa




W. yeen Walaalo leegaad kaalmo Waaxid waa War u yaal

Nin Wallaahidooda marow Waxshiyowga yaad ka qabtaa




H. teen Hilowga leegaad Nin hamaai Hoyaad ma yaqaan

Ninkii Hiilladooda helow Hibo duunyo waysku hubtaa




Y. Yaciishka leegaad Nin la yaabay way la yatiin

Yusri baa Yeddooda galee ma yaqiin xumaad ka qabtaa?




----0000---




18- Calanka.




Xaajigu waxa uu ka qayb galay dabbaaldeggii Calan-saarkii (kanna sib kanna saar) haddii aan sii tilmaannana wuxuu maalintaasi taagnaa Dal jirka dahsoon korkiisa waxyar dhinaca nasiib buundo, haddaba meeshii Xafladda loogu dabbaal degaayey markuu tegey ayuu dib u milicsaday halgankii dheeraa iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu la soo maray Gumaystihii iyo dadkii la shaqeynayey, arkayna mirihii halgankiisa iyo Xurriyaddii uu u dagaallamayey oo calankeedii la saarayo, dabadeed tixdan hoose ee gabayga ah ayuu kula hadlay calankii, wuxuuna ku tilmaamay calanka ilmo la dhalay, calanka ayuu fartiinu sii faray Ciidda, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay Hooyadii calanka, wuxuuna calanka ku sii sheegay yaraankii ubadyada ciidda, wuxuuna yiri:




Calanyihow cisada eebbahey ku cimri weynaahe

Cawo dhalad ilaahey ninkuu ku cawimuu siiyo

Caadada adduunkaa ma dhibo cayshka nololeede,

adna curashadaaadii na daa culus dhadhaabeede

cambarkaan lahayn lagama rogo caari meel kale e

Cimrigaa gu’gaa yare adaa curad ahoo wayne

Ciiddaan hortaa lagama mudin calan islaameede

Cawo sami laguu daa haddaan caasi kaa bi’ine

Cawriga ishii cadownimaa araggu cawrowye

Cillallawga aayado cammaa culimma loo dhiibye

Cir guduudda waayeel cirro leh lagu carraabeeye

Cosob dihan ah yaasiin cusba leh lala ciyoon gaarye

Carrabkiyo caqiiddada haddaan labadu ceeboobin

Ilaahii na caawimay hadduu celiyo yeelkoode

Cirbad kama yuwaadaan haddey cadow u koodane




Codkuse yuusan igu baahanine calankayow heedhe

adaa maalintii cala' koroo col u ilaalaahe

Cawadiina ciiddaw ambada cayn kastoy tahaye

Cirro waalid canuggii yar bay carafti raacdaaye

Codka kii laguu faro u gee ciidda habarteenna

Citibaaradaad nagu arkee la cawo sheekayso

Carbaadhiga canaan iyo ha oran hadal cataabaa dheh

Culuq wuxuu ku raagaa ciyoon kulama ciidmaan dheh

Ciyaalkii agoonnimo koraan cududdu weynaan dheh

Cir onkoday cawiyo maalin qura carro ma doogeyn dheh

Cargun dhalatay geedkoon biyaha cabine fiid yeelan

Casho laba ah loogama cukado caana darareed dheh

Ciirada dabbaabburi rag baa lagu cayaarsiin dheh

Caad guuray waxa loo qabaa ciidan kuu kacay dheh

Coomaadigaa lali dayuur cago ka dheereaysa

Miiggaa cirkaa galay waxa wada ciyaalkaa dheh

Haddaan caana nuuggaa cayilin cadow ma guureen dheh

Caynaanka waxa loo toshaa cadadkii laabnaa dheh

Carra kore waxa looga yimid carafta taadaa dheh

Cidi kaama seexane kurbada-cudura daawow dheh

bal cutubi colkiyo aalladdaan cidi ku aadeyn dheh

Cibrad igu dhegeysee codkaan iri ma been baa dheh

Caqlina yuusan kaa harin kolkaad kala caddeyneyso

isagaa kucaawima haddaan caro kolkaas hayne




---000---




19- A R K I M A Y N O .




Waxaa barkumataal noqotay midnimadii ay ummadda soomaaliyeed ku hanatay xurnimada, madaxdii ayaa gacmihii musuqmaasuqa ku dhex dhacay taas oo si isweydaar ahna u waxyeellaysay danihii guud ee dadweynihii iyo isku duubnidiisiiba,. Waxaa si nool qarqarsi beel ahna la isugu jeestay habar wacasho “Yaa taqaan” ayuu ahaa jidka la isku toydo, ee maxaad taqaan waa la iskala yimid, xaalkuna meel qaraar ayuu isugu biyo shubtay.




Waa taa ugu darrayd in ay nabadgelyadii iyo xasilloonidii ka idlaatay waddanka, meel kasta oo ay ummad soomaaliyeed joogteyba. waana lama illaawaan sidii foosha xumayd ee dadka la isugu caraadin jirey , dhiillada iyo dakanahana dhexdooda loogu abuuri jirey. Boob iyo dhac, anaa kaa itaal weyn baa meel kasta iyo xilli kasta dadkii ka dhex aloosnaa.




Xaajiga oo aad iyo aad uga xumaaday arrimahaa foosha xun ee ka soconayey waddanka, baa wuxuu la soo hiyi kacay tixdan hoose:




Waxay ahayd gabaygan munaasabaddiisu kaddib markii la gaaray gobannimo taam ah ee dadkii mas'uuliyiinta ahaa hilmaameen itixaadkii lugu ballamay, xurriyaddan alugu dhaliyey islamarkaas ay soo nooleeyeen magacii qabiil, eex iyo xitaa nafsaddii aadmiga oo weydey nabadgelyo, markaas ayaa shaacirku xaaji maxamed axmed liibaan isagoo dadka uga digaya inaan qabiil dhalin gobannimada la haysto wuxuu yiri:







inta irirya daarood arlada lugu abuuraayo

Abtirsiina baas iyo intaan ficilka oogayno

anaaniyada eexdaa intaan ula dhabeyneyno

ehel iyo aqaaribo intuu shacabku eegaayo

ul-hayaha ninkaan xigin intuu iridda booyaayo

intuu aano kuu dili ninkay talo ag taallaba

armaatigiyo aalada intaan labada iibsayno

nin islaam ah oofaha intaan kaga abbaarayno

inta gaal ilaah nacay sharciga looba aamminayo

allifaaduhuu dumay intaan xukun la aadeyno

ababkii orobbada intaan gacal arwaaxayno

asal nimaan lahayn iyo aqoon labada loo iisho

wootada inkaareed intuu lacag ku iibsaayo

isimkii markuu helo intuu ulaha qaadaayo

intuu aqalka soomaaliyeed erey ka taagaayo

edebtii islaamiga intuu amag ka siinaayo

itixaadka waajibay intaan kala illaabayno

oogada nadiifkaa intuu araggu been muuqdo

arrin duugan uun yari intuu guri la aadaayo

inta aabbe kii laga dhigtaa nugu ugaaraayo

arki mayno eelkoo baxey iluhu maaxdaane

arki mayno uun wada degiyo gacalo awgeede

arki mayno aaminu rasuul axad walaalaahe

arki mayno cadow soo ordood talo ku aaddaane

arki mayno calamkaa ifoo aammin loo yahaye

aawada warkeygaa waxaan hadal ku soo ooday

ninkii ila akeekami lahaa hay ag joogsado e

yuu iga il biqil kii is yiri ereygu waa beene

intaasoo alhuumaa haddaan ku isticmaalayno

nimanyohow adduun lama arkoo waa allaahu akbare

aakhirana waa laga ordoo lamaba aadeyne

---000---




(20) ALLAHAYOW AJIIB 1950




Waxa la dareemay ama laga cabsaday in hakasho ku imaanayso halgankii gobannimoddoonka, taasoo ka dhalatay qodxo iyo dhagxan ay isticmaarka iyo kuwa uu ku adeegtaahi dhigayaan, islamarkaasna waqtiga cad ee dadka kahor muuqdaahi ugu bishaareynayey runta, ayuu shaacirka waddaniga ah xaaji maxamed axmed liibaan uu ka aamusi waayey arrintaas, wuxuuna u wacay waddaniyiinta soomaaliyeed inaysan ka bayrin dagaalka isticmaarka ay kula jiraan isagoo u oddorasaya khayr iyo gaarid xornimo, rabbina weydiisanaya inuu ka ajiibo ducadiisa, dadka waafajiyo meelaha ay ku jiraan arrimaha lagama maarmaanka ahi wuxuu tiriyey tixdaan:




Allaahu allaahu allaahu allaah

Ilaahow ajiib wixii aan iraahdo




Uruka billowday islaam ha ekeeyo

Esway else maanta iftiin ha ka muuqda




Burhaantan la haysto ragii bismileeyey

Allow bayaxaabo boggooda ka muuji




Tanaadya faqiirku tixdey ku jiraane

Allow tashigooda somaali u toosi




Jamhuurta aruurtay jismaanyadan leego

Anaydin jeclaaday ilaah ha jawaabo.




Xayaata islaamka raggiinnan xusuustay

Ximaanyo warkeeda xiskiinna ka dhawra.




Khabaarya salaaxba khasaaro ma taallo

Haddaan la khilaafin khaddii ballankeenna.




Dagaallan islaamka ilaahba u diidey

Soomaali is dooxa maxaa ku diraaya?




Rigaalada leego rasiidka ku dhawra

Rajaa la qabaahe intay ka rumaydo




Somaalida leego samay ku talshaane

Saqiirya kabiirba salaamu calaykum




Shafiic nabigaygu haddii an shicraayo

Mahaan ka shakaayo qumaati hasheego




Dhulkiinna ka dhawra dadkiinna dhumaaya

Nin dhiig an lahayni dhaqaal ma yaqaane




Cabiid ninna maahin caqlaanse qabnaahe

War yaa carradooda cisuugu dhimaaya?




Gadashi nin waagu gu’yaal kaberyaayey

Asaan wax gareynin lug kaa go’day waaye.




Faraasatadayda sidaan u filaayo

Haddeysan fariisan fahmaa u dillaacday




Quluubta somaali allow u qabooji

Qaneeciyo diinya quway u bukaane




Kubkeeda somaali kariim ha adkeeyo

Kaskaa ka maqnaaye iftiin ha ka kaaho.




Lixaad ha lahaato libaas ha ka muuqdo

Nin leego nacaahi lafdheer ha ka duulo.




Mahdaa la filaayey muddaana dhammaatay

xxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxx




Nahaab iyo tuugo naftiinna ka dhawra

Ilaah naxariisya nimcaad ka rabtaane




Wallaahi nin dhaartay warkiina an yeelin

Wanaag uma yaale ka waanisa qaata




Hanuunka billowday hilawga somaali

Hurday ka kaceene allow aysan hoogin




Yaraan iyo weynba yaqiin ha la yeesho

Yaciishka somaali yamaan ha iftiimo




------00----------




(21) URUR




Taariikhdu markay ahayd 1945 kii, markii dadweynaha soomaaliyeed badidiisu gashay xisbigii SYL, ayna habeen iyo dharaar samaynayeen isu imaad, iyo shirar is dabajoog ah iyagoo ka wada hadlaya culayska iyo dhibaatada isticmaarku ku hayo ayaa isticmaarkii u gegsan waayey dhaqdhaqaaqaas gobannimoddoonka ah, wuxuuna ku tallaabsaday inuu iska hor keeno ummadda somaaliyeed isagoo ku adeeganaya dad yar oo ku jira Xisbiga

Markaas buu shaacirka ahi Xaaji maxamed allifay tixdan soo socota:




Allaah yaa allah binadri minal cayni raxiimaa

Tudaawii kulla maa bii min amraalii saqiimaa




Amuurta noo asaasa somaali aaminkeeda

Islaamku hays ogaado ilaah inuu abuuray

Uruku waa intaase axwaal kaleeto maahan.




Burhaanta buug ku taalla raggii billawga maagay

Somaali baaliyowday budday ka soo baxsheene

Allow birtii xijaabo balaayaduuga booti.




Tawfiiq ilaah ka tuuga tixdaad waddiinna haaya

Turaabta tiinna tuugya ninkii takoor ku haaya

Tallaahi baad marteene tagey ha loo jawaabo.




Jismaanya geyr islaam ah asaan jawaabisoobin

Amaan ka jaaxidaynin wixii la soo jideeyo

Jiraanna noo jeclaysto jawaaba joogistooda.




Xusuudka xaalka diiday xabiibna loo filaayo

Ninkii inuu xoroobo xamaal ahaan ka doortay

Xayaatadaan go’ayne xiskiisu kaamil maahan.




Khaddaaca khaa’inoobay khabaar ilaahey diiday

Khannaas quraanku sheegay khaliif ninkii ka yeeshay

Khawaastu meel ay joogto khasiisku yow imaanin




Dayuus naftiisa deegey asii an diin lahayni

Dareen dhacaaya ma oga dadaana loo qabaahe

Ninkaan dagallamaynin danteenna nooga haaya




Rasuulka kiinna raaca risaaladii rumeeya

Rabiica loo siyaarto wax raaya reer ka dhiiba

Raxiim ninaan ahaynna ra’iis ahaan ka dhawra




Somaaliyey sarreeya salaaxa diinna haaya

ka sooca soofka kiinna wixii ilaah na saaray

Sidaas ninkii an yeelin saciiraduu gelaahe




Shuyuukh haddii la waayey shubbaanta shawr billawday

Shiraakadaan la yeeshay shidday ka soo mareene

Ninkii shareecadaahi shaqaaqa yuusan keenin




Dhulkeenna dhawr ku haaya islaam dhibkiisa dhaafa

Nin dhawrsanaan dhulkiinna dhaqaal ahaan ku joogey

Dheh meel foguu tagaahe dhiciisa haw dhawaana




Curuurbta ciidda joogta asii na caana nuugtay

Haddii ay caasiyowdo Cadkaan cun waa cayuube

cashiiro way qabaane ciddoodi nooga geeya




gefkii islaamka gaaray soomaali gawraceeda

ninkii garkoo caddaaday garaad la’aan gaboobay

ilaaheybaa gandoobay garowse looma haayo




fataanka yaan la raacin fasaadu-ddiinna daaya

fasiixa faan somaali ninkaan ku faaraxaynin

fajiistaduu rabaahe faqiinna yuu fogeynin




kariim allow na kaali kaskeenna nuur ka kaahi

ninkii soomaali koodday inay koraan ka haaya

karaamo waa qabaane ha koobin kuu yiraahdo




quluubta tiinna qooya qabiilqabiilna dhaafa

qiyaasa qoom is raacay qaneecaduu qabaahe

nin qaaralow qudhaada maxaa qallooc ku gaaray




lillaahi leego keentay soomaali liid u diidday

quruunta laysu keenay lisaanul xaal u sheegta

nin waaga laab madowse maxaa luggooya haysta




maqaam ninkii la siiyey khiyaarna maag helaaya

asii madiidin doortay macaadallaahi taase

somaali meelomeelo muraadka leego maahan




nasiib xumaa nin diiday soomaali nooligeeda

nasiib xumaa naftiisa cabiid ninkii noqaaya

snasiib xumaa somaali ninkii naxoo nacaaya




wallaahi yaad marteene washiinsi waad nacdeene

somaali waaxidowday walaal ninkii ka yeeshay

maxaa inuu wareero wajaabadeed ku keenay




hagaag haddii la yeeshay hawaa soomaali haysa

haddey heleen bandiiro ninkii hanuuni diiday

hadduu halaago haatan hawaari nooma haayo




yaqaan xumaa yatiinka soomaali yeeli diidey

yaqaan xumaa nin yaabay khiyaar haddii layeeshay

yaqaan xumaa nin yoonkan addoonnimuu yuxaaya!







Salaatullaahi rabbi calaa sayid muxamad

Wallaahi wal asxaabii waman sacaa fillaahi

Khusuusan calaa soomaali xxxxxxxxxxxxx

---00---




22- AXYAA WADDANI.




Qasiiddadan waxay curatay sanadku markuu ahaa 1945, wuxuu Xaajigu Digniin ka siinayaa Ummadda Soomaaliyeed in aysan dib uga dhicin Xilka ka saaran Xoreynta Dhulkooda. Wuxuu hogatusaaleynayaa in aan la hilmaamin oo laga foojignaado Tabaha Isticmaarka , Indho ka carraynta uu Ummadda kula dul wareegayo iyo kuwa uu u soo ijaartay, wuxuuna yiri:




Axyaa wadanii Axyaa wadanii axyaa wadanii

Axyaa wadanii yaa soomaaliyahey Axyaa waddanii.




Sallallaahu Calaa Suubbanow Nabigii Wacalayhi salaam

Zaciimu Ambiyaa Wakadaa Yusammaa Somalul Waddanii.




Isu aammin noqdaay Abtirsiimo nacoy Ashahaadka qiroo

Illaallaahu badshoo Ninkii Ooga kalaa Ixdar yaa waddanii.




Burhaantaan la wadoo Buug Soomaali ku taal Nimankii badda’oo

Billowgeeda lahaa Bud haddii ay galeen Balla yaa waddanii.




Tawba yaa Rabbiyow Tubtu Ceebo tirow Tol Soomaali ahow

Tii horaa tukcatee Tixdad haatan waddaan toosi yaa Waddanii.




Jeyshka Leego ahow Jundigii ururow Jowhartii Rabbigey

Jawaabtiisa maqloo Cadowgoodu jabow Jisman yaa Waddanii.




Xaasid Leego xantoo Xumahooda wadaa Xor ahaan ma raboo

Xiska waa ka dhintee Xaabo qaad ha noqdee xoora yaa Waddanii.




Khaa’in Khayrka nacoo Khabaar Been ah wadoo Khaaska Leego duraa

Khilaaf Uunka tusaa Khafiif baa ku jiree Khuduu yaa Waddanii.




Deg Soomaaliyaheey Dawadii Muslimaay Dalka kiinna Nimaan

Darbanaan ku degayn Dareenkiinna qaboo diida yaa waddanii.




Raxiimkeenna allow Rabbigeenniiyow Run Soomaali ka yeel

Ra’yigaan ay wadaan Ninkii aan rabsanayn reeba yaa waddanii.




Sakaaraad Nin ogoo Su’aal loola fadhow u sujuud Rabbigaa

Sayyi’aadka tiroo Samaan kuu beddelee Samcan yaa waddanii.




Shiikha Shaaficigiyo Shanta Diin Muslinkaan Shafiicii Nabigaa

Nin sheegtaa mahadshoo Shiddo looga koree Shaukrak yaa waddanii.




Dhulka kiinna dhaqoo Nin dhumaa ka dhacshoo Dhugya Maan bixiyoo

Dhammidiin is dhaxloo Dhogortiinna Madow dhawra yaa waddanii.




Cumrigiis nin bogtoon Codya Maan garanoo adoo Ciidda lahaa

Cadowgaa Naf ka doon Canaad baa kujiree Caqlan yaa waddanii.




Gob Soomaaliyaheey Garaadkii ururow Gun ahaan ka baxoo

Giddi Waaxid noqdoo Gibilkiinna Madow gooba yaa waddanii.




Fekeraad badiyoo is Fackaalka nacoo Faqrigaad ku jirtaan

Fidnaduu ka kacee Far Soomaali noqdoo Fahman yaa waddaniii.




Qaaddirkey Rabbigey Qoodihii ku tegaa intii Qaara lahoo

Qaneecaadka qabtaay Qun u joogsada oo qaada yaa waddanii.




Kan kanaa ka tagoo Kas iyo Maan bixiyoo Karaamaysu qaboo

Kalaamkeyga maqloo kacoo joogsada oo Kaaha yaa waddanii.




Laabta yaad la’dihiin Lakab baad ku jirtaan Lihigiinna Dhulkaa

Dad Ninkii lulluloon leegadiinna ahayn looma yaa waddanii.




Midabkeenna Madow Mulkigiinna dhulkaa Makri baa ku jiree

Haddaad mooggantihiin Mid Walaala noqdoo maqla yaa waddanii.




Naf Soomaaliyaheey Nimankii nabbahow Nasab waysu naxoo

Nactankii ma jiree Nooligiinna Madow nuura yaa waddanii.




Wallaahaa la maroo Waaxid baa na ogaa War Soomaali u roon

Wajigii an ahayn in wadood aragtaan wayxa yaa waddanii.




Hanuun baa la heloo Hawaan haatan qabnaa Hantideenna Dhulkaa

Rag kalaa ka hodmoo Annagaa hurudnee hohey yaa waddanii.




Yaqaankaad la’dihiin Yamees baad ku jirtaan Yaryaweyn kulligiin

Yed Soomaali ku taal Yarxam haysu gashoo yeela yaa waddanii.




Sallaallaahu calaa Suubbanow Nabigii Wacalayhi salaam

Zaciimul ambiyaa Wakadaa yusammaa Somalul wadanii

----0000---




23- SOOMAALI LIBINTEY HELEEN:




Munaasabadda gabaygan waxay ku timid booqashadii uu ku tegey Madaxweynihii hore Mudane C/Rashiid Cali Sharmaarke, degmada xarardheere, waqti aan badnayn mar laga joogey markii loo doortay inuu noqdo Madaxweyne.




Xarardheere markaas ma uusan ahayn degmo, waxayna ahayd magaalo qaddiim ah oo soo jrtay muddo dheer, haddana waa loo aqoonsan waayey in ay noqoto degmo, waxa haddana jirtey in magaaladaasi ahayd halkii uu ku dhashay Mudane C/Rashiid Cali Sharmaaarke.




Madaxweyne C/Rashiid iyo Xaaji maxamed ayaa kulan loo dhammaa isaga hor yimid, halkaas oo uu xaajigu uga xog-warramay tuuladii xarardheere, iyo waxyaabo la xiriiray guud ahaan siyaasadii dowladda ee uu markaas dhaliilayey, waxa uuna xaajigu u sheegay in calankii la suray aanuu wax diif ah haba yaraatee ka reebin, markaas ayuu xaajigu gabaygan tiriyey, wuxuuna yiri:




Soomaali libintey heleen lawfar baabi’iye

Luulkooda nimankii ka liqay waa ay lumiyeene

Lihi bay ka doorteen inay xumo ka laylyaane

Lixdankii horaa loo niqiyo laqaf habowgiiye

Laab lagu hiloobiyo kalsamo loora ma ahayne

Labadii walaal ahi colaad kalama leexdaane

Lixlihii ajnebi loo sitaa la isku laayaaye

Laan-dheernimaa lagu lumiyo kaama liiddaniye

Lafa gaabte nimankii kal hore cadawi liicsheene

Luxud bay galeen wiilashii xayle liid bidaye

Lambar maqan kuwii lihi lahaa ladac ma dhaamaane

Calankaa la suray qaybti waa luladya muuqaale

Laatiinka waxaa loo rabaa laayac diiniyahe




Haddaan layri noo bixin inaan leeqannaa rumahe

Kasoo laabtay meeshaan lahaa lugaha gaarsiiye

Lisaan kay kutahay uunku waa wada lahaadaaye

Ninkii laysta keligiis aqoon laawe loo badiye

Adigiyo lijnada waxan cabdow kugu lalloobbaynay

Kabtey xaajo lowyaha dhigtoy beriga laacayso

Kama keeno layligu biyaha labiyo dheeraade

Laaskii an maaxani wiyeer liiggi noqon waaye

Ninkii lihi leh liitaa baryaa wada ma laystaane

Lumbaartuu abwaan qodo nin yari sooma laakumo e

Inkastoo adduun lumay asey taladu luufluuftay

Lafa dirirku yoomkaan aduu laasim kuu yahaye

Lixaataa ku suran midan nin xumi libin ka keenayne

Leegleegsi kaama ansaxo iyo labac bejiinaade

Lakab oodan xaajadu bergey lama karaan joogto

Lulmadiyo hurdada saaxibow liiddanaa hola e

Kolba laba legdaysaye haddaad lahanka reebayso

Shareecada la laayacay haddaad lug u kabee maanta

Asaad lihiga soomaaliyeed liqe ka reebayso

Laandheerya liicsane haddaad xukun u laabayso

Lambarrada kaloo maqan haddaad laxaw ku doonayso

Laab riin ku taah iyo haddaad libiqsi aar diiddo

Libintii heshaye ciil haddii lura lagaa waayo

Lixdaas oo lillaahiya haddaad liq isu soo siiso

Liibaan rabbaa lehe waxaan kugu lammaanaynay

Dad ninkii libaas qaata ee gacanta laalaadsha

Ee lawriyaad soo noqdee luqa ku faanaaya

Ee adiga liid kaa rabee libinta doonaaya

Libaaxii adduunkaad u noqon laguma aadaane

Lambar sare allaha kaa dhigoo laasum oo taliye

Lafahaaga Naar iyo waqaan ceebi laakumine

Laan kula go’daa waqeysan jirin labada meeloode

Lujnadiyo ra’iiskuba dhammaan ha u ladnaadeene

Xarardheere loo garay waqaan la isku reed marine

Ilaahii lahaa laga baryaa libinya dheeraade

Anigana lisaankaas waqaan laygu soo celine.




---000---




24- A B W A A N.




Midnimo jacaylka ayuu Xaajigu u boholyoobay, markii uu arkay Xisbigii S.Y.L. oo hanqarkii gumaystuhu kala qoqobay, kalana qaybiyey hal ahaantii Ummadda Soomaaliyeed Halganka ugu jirtey, Xisbigii S.Y.L. ayaa u kala jabay Labo Xisbi oo noqday S.Y.L. iyo S.D.Y. iyada oo uu u arkay in ay dhacdadaasi guul kaafisa u tahay Isticmaarka, guul darrana u tahay ummaddiisa ayuu Xaajigu aad iyo aad uga xumaaday, murugo ayey gelisay qalbigiisa, sidoo kalena Hoyaad iyo Harsiimadiina ka qaadday. Arrinta dhacday aad bay u foolxumayd, Welwel iyo Walaacna ku reebtay, markaa isaga oo Waayo-aragnimada qotada dheer xeeladihii uu ka dhaxlay taakulaysanaya , ayuu jeclaystay bal in uu wax ka yiraahdo Bushiga yimid.




Rag dhuuni qaatayaal ah ayaa mudh soo yiri iyaga oo doonaya in ay danahooda gaar ahaaneed meel marsadaan maadaama loo guntaday in Gobonnimo la dhaliyo “Mabda’ hal ah iyo Ummad mid ah” ayaa la habboonayd Xaaji Maxamed, waxa kale oo uu dersay in xaalkiiba loo rogay ayaan darro ah Reer-reer iyo is eexsi.




Caanka siduu ku ahaa xaajigu waligiisba, baraarujin, guubaabo iyo waanooyin ayuu gaarsiiyey dhegihii mudnaa, waxase la yiri “Waano Abuuris baa ka horreysey” dadka kii alle waaniyaa Weerta kaa maqla, waxa dhacday in aan Xaajiga warkiisii meesha laga qaadin, haseyeeshee wuu ka baxsanaa in aan Warkiisa oggol loo wada noqon doonin, balse waa ay la habboonayd, waajib saaranna la ahayd in uu Afka kala baxo Ra’yigiisa ula muuqday wax ku ool ninkii qaata iyo kii Wajiga ka dadbaba.




Mdnimadii uu higsanayey ayaa waxay ula ekaatay Riyo Caad isku dahaaray, gobonnimada helitaankeedii baa shaki ka galay, ururinrii ummaddiisa ee uu heeganka u ahaan jirey baa waxay la noqotay “wax aan la huri Karin lana hanan Karin” sidii hore loo yiri Habaar kama horrayn.




Dhaawicii gaaray himmaddiisii ayaa damqday, kolkaas buu sidii Aar gantaal qaba, gocoshadii darteed Gabaygan tiriyey, wuxuuna yiri:




Gabaygani wuxuu ku aaddanaa munaasaba markii uu kala dillaacay xisbigii gobannimodoonka SYL una qaybsamay SYL iyo SDY, oo isticmaarku ku guulaystay inuu kala qaybiyo xooggii is haystay. Wuxuuna yisir:







Indhaweydba waa taanan oran Alif hikaadeede

Waa taan ayaamaha ka iil ururintiisiiye

Waa taanan Awliyo u qaban igama daaqiiye

Waa taan awaaraha nafluhu iga ilaalayne

Waa tuu agoon iga ahaa oday la’aaneede

Ammin dhexe alleylkaa hurdada iluhu diideene

Goortaan naflaga eegay baa aawil ii yimide

Amar dhacay adduunyada dhan buu wada ekeeyaaye

Afyaqaanse waa inu hikaad ula dhabeeyaaye

an iftiinsho kii xalay hurdada ararti ley muujey!




Haddaan ahay aqoon iyo ninkii aragti loo yeelay

Asaan ahay akhbaaraha nimaan dhegaha loo awdin

Asaan ahay nin ururkii la waco la arrin weydiiyo

Asaan ahay nin iil iyo su’aal labada eegaaya

Isha adari ooddii berbera iridda goob weyna

Ummadda u dhexaysiyo intii ehelu tawxiid ah

Awlaadda soomaaliyeed waxan ogaysiiyey

Aslaynkiyo furuucdaha haddii laga ugaaroobo

Axkaamtii shareecada haddii xaqa la oodeeyo

Edebtii islaamiga haddii la oggolaan diido

Itixaadkii waajibay haddaan oofin kari weyno

Isimkii shuraakaha hadduu ehel ka fiicnaado

Ninba ina adeerkiyo hadduu odagi noolaysto

Aqalkii u jifsaday hadduu laba albaabaysto

Afkaa laga heshiiyee haddey uurka noqon weydo

Anaaniyada eexdaa haddii laga ejoon waayo

Xurnimaa iftiintee haddii ciidda lagu aaso

Irdihii xukaamtaba haddii aragti loo doono

Ani-ani haddey noqoto iyo hebel ka eex rooni

Nin kastoo anoora leh haddii aramma loo yeelo

Ilmaha iyo ikhyaartaba haddii aragti loo caayo

Allaahu akbarey waa waxaan ila abbaarrayne

Ajnabiga ilmaha keentay ee aqalka noo jiifa

Anfac doonad maahine war bey ururinaayaane

Akhbaar taam ah unadey rabaan inay la aadaane

Ma istaahilaan bay rabaan inay adkeeyaane

Annaguna haddaan ereyno waa inay ogaadaane




Ilmayohow irdaha awdan lihi talo ma aabayne

Aaryada la qaataad xurnimo ku intihayseene

Istareexa neecawdu waa arag billowgiiye

Igaar dhalasho iyo naag aroos aad u kala dheere

Albaabbada wax naga taagan waa oday caddow gaale

Eehooyinkii lagu dhigaw aano doon yahaye

Haddaan ereygu bi'in godobti waa lama illaawaane

Ikhtilaafka dhacay xaajadaan uunka kala geysey

Rag ilaah yaqaan iyo haddaan odayo loo duubin

Arrin toosiyaashii haddaan talada loo aadin




Wootada inkaareed haddii keliya loo iilo

Allaahu akbarey waa adduun aafo loo yahaye

Axdi nimad wadaagteen haddii amarka loo dhiibo

Arrin leysla leeyahay haddii aadba lugu doorto

Hadduu iisho uunkaa arkaa luguna eedeeye

Ilaah baa la raacshaa hadduu eexo kaa galo e

Edeb xumadu waxay kaa dhigtaa odaya neeflaawe

Haddiise lala aftamo dowlo waa mici abeesaade




Aawada warkeygaa waxaan hadal ku soo ooday

Asaan ugaga aalladay wixii ereya laystaana

Ulya marale ood kore degee ariya geel raaca

Arbiciin hadduu jiro caqliyo uma taqaanniine

Afar suud iskaarbooyinkey orobbo siinaysey

oogada ninkaan saarin waa lama aqoonaade

Anna wow ekahay aadmigaan oda tilmaamaaye

Mase ogi inaan ahay nimaan la arrin weydiine

oodgooyo aadmigaa degaa ehelladeydaaye

Abaar baaddiyood yaa ilmiyo agabi ii taale

Ammaana alla meeshaan ka imid aadis baan ahaye.




Haddaba waxaa muuqata in Xaajigu dhaliilay sifaalihii qaabdarrada badnaa ee ka kacay kala jabkii Xisbiga, waxayna la ahayd in haddii uu ku laabto noloshiisii Miyiga ay waxa dhan kala door wacnayd tii reer magaalka, Laakiinse iyada oo uu isticmaarku joogey Miyi iyo Magaaloba haddana sida uu u saameeyey tan Xamar ayuu indhaha siin waayey.




Sidaas darteed marka uu leeyahay “ammaana alla” waxa laga dhedhensan karaa sida uu uga xumaaday kala dhantaalka ay ku rideen Midnimada iyo halganka ujeeddadiisu ahayd ul iyo diirkeed.




---00---




25- HABAR WACASHO.




Sanadku markuu ahaa 1968 kii, ayaa waxaa dhacday in lacagihii si fool xun loogu shaqaystay oo dano gaar ahaaneed lugu fushaday, dawladdii soomaaliyeeedna adduunkoo dhan looga aqooday “Dawladdii Baryada”. “Qabrigii mucaawinada” iwm, sababihii dhaliyey hoos u dhacaana waxaa ka mid ahaa iyadoo kuraastii baarlamanka lugu soogelijirey ku qiimo noqdeen shilin uu nin gacanta ku haystey waxana baarlamaankii uu la mid noqday Naag, halkii uu kayiri nin tixyahan ahi Nagaha ma guursado ninkii waayada guunyada e, mana geyo sidoodana kolkuu gacan marraadaahe” waxan marnaba la qiimayn jirin mudanaha wuxuu galo iyo wuxuu gudo, ruux kasta markii laga reebo indheergaratadii sharafta lahayd mooyee, intoodii kale waxayku hammiyi jireen “iyadaa ku laylisee lacag la’aaney ba” iyo wax kasta oo kale ee taa la hal maala, warkii oo kooban xaalkii wuxuu noqday: “Lacag ma haysaa …. aan kuu woodee”.




Mar un buu xaajigu talantaalli u soo mariyey tixdan habar wacasho, waxa uuna jeclaa inuu uga hoga tusaaleeyo ummaddan wada indho beeshay ee diin iyo mabda’ii la noqday wax ay maaliyaddu ka sarrayso, wuxuuna yiri:




Waxay ahayd munaasabadda tixdani 1968 kii, markii lacagtii la waayey, looguna isticmaalay in lugu fushado dano gaar ahaaneed, dowladdiina loogu magic baxshey dowladdii baryaha, kuraastii baarlamaankuna noqotay in lugu iibsado shilin oo aan loo eegeynin ninku wuxuu galo iyo wuxuu gooyo toona, ee xaajadu noqotay lavag ma haysataa aan sawtka ku siiyee, markaas ayuu yiri xaaji maxamed axmed liibaan ama tiriyey tixdan habar wacad (war yaa laacii iftiimay waa lumee laxwinaaya), wuxuuna yiri:







Ilaahii wax lahaayoo lihigiisu yareyn oo baryo laysku jeclaado

Lubbigii ku ahaayoon Labeeyaa jirinow.




Ilaahii nin ladneeyey nin kaloo an ka liidanna laan ka raarac ka yeelay

Sida loo kala laalayna cilmigeeda lahaayoon la ogaa karinow.




Liciif weeye addoonku oo lihiintiisu ma buurna nin lillaahi istaagay

oo ludfigaaga rumeeyey waddo uusan ka leexan adigaa u lammaan ah

waxna laasin gareeyee lamcadeyda hagaaji,




lixdankii sanadii Lixda sac bisha luulyo calankii lambarraa ee cadowgii ka lugeeyey

Waa inoo lalmadaaye lahankii nama deynin




lixsanoo lafa diir ah iyo labadii la xiriirtay laxooxduu dhulku yeeshay la waa oo lama haayo Sifgahey ku lumeenna la og oo lama mooga.




Waxba yaanan laqbayne lacaf meesha ma yaalloo looma laaban karaayo.




Waxan taa ku lammaanshay loox furqaani ku taallo iyo lun waddoon laga leexan

oo shacabkaa lugu laylyo wixii uusan lahaynna nin liqaahi shallaayo

Dadka looma laqbaynin lujnaddii barlamaankuna kolba layskama dayne

Way la laabanyihiin.




Waxan taa ku lammaanshey leeqannoo la ahaa haddaan layri dillaacin

Sharci waa lumay kaasi, lallamooyinya qaylo iyo looto dagaal ah

Kanna laac kanna liici, lur dhan baa naga gaaray. Lujnaddaan is jeclaanna

Laf jabnayd uma baanaan.




Waxan taa ku lammaanshey nin hadduu lixdan gaaro oo labadiisa go’ qaato

Lo’ya geela lisaayo inkastuu war liciinliyo lafa reebka yaqaanno

London buig laga keenay haddii uusan lahaynoo gacantaa ku lalmayn

Kuu yiraa lama yeelo.




Waxan taa ku lammaanshey nimaan luuqada gaalo lawryaat ku ahayn

Lebbiskii orobbaynna hadba laan isku taagin liiddanaa la yiraahoo

Lafti looma maleeyo lisaankuu ku hadlaayana laxaw looma dhegeysto.




Waxan taa ku lammaanshey oon hadalkeyga ku laayey ninkii laab u dhegeystana

Lafta dhuuxa ka keeni:




War yaa waan lulannaaye lugta raar u jaraaya waryaa laacii iftiimay

Waa lumee laxwinaaya waryaa meelaha liita naga layli baxaaya

Waryaa low jirriqoobay lahankiisa yaqaanna waryaa laysma nebcayne

Lahan baasa abuurka liciinkaan wax aqoonnin oo lifiyaa ah fogeeya.




Waryaan leedda ciyaarka lix jirkaa barlamaanka lakawgaa an u laabin

Waryaan leebkiyo liifka libin reer ka dhexeysa nimaan laysla ogaannin

Laqma hoo’a ku siinnin waryaa laata cusaahoo lala soo lutinaayo

iyo Lunta hoos u dalooshiyo lulullaamaga garaaya?




---00—




26- D I G N I I N.




Waqtigii la qaatay Daakhiliyaddii ayey iddaaraddii saree ee xisbigii SYL dhexdooda ka doorteen Guddi dhawr ah ee fiiriya Madaxdii Talyaaniga ee markaa xukunka haystey iyo in ay il dheer ku eegaan guddiyadii xisbiga ee degmooyinka iyo gobollada. Kaddib markii la fgaafiyey idaacaad been ah ee kayimid dhinaca gumeystahas ujeeddadiisuna ahayd in shaki lagu kala abuuro guddiga iyo shicibka buu shaacirka waddaniga ah xaaji maxamed axmed liibaan baraarujin u tebiyey dadkiisa.




ujeeddada tixdan uu ka lahaa waxay ahayd in uu soofeeyo garaadka saawirka noqday ee ummaddiisa. waxa abwaan hore u yiri: “Nin lugu seexdow ha seexan” sidoo kale waxa uu xaajigu digniin siinayaa idaaradda sare ee xisbiga. waxa uu doonayaa in ay ka digtoonaadaan kana dhawrsadaan ku takri falidda arrimaha loo doortay amaba xilkooda ay deegta u saarteen, wuxuuna yiri:




Markii ay xukunka waddanka qabteen madax soomaali ah ayaa dad madaxdaas ka mid ihi shacabkii dhexdiisa ku beeren qabiilnimo, xigtannimo iyo is afgarawaa, iyadoo dadnta y ka lahaayeen ahayd in ay ku gaaraan darajo, markaas bay dhaqdhaqaaqday shucuutrtii waddaninnimo ee xaaji maxamed axmed liibaan, wuxuuna u naadiyey shacabka soomaaliyeed inaysan qaadin jidka foosha xun ee loo naadinayo, wuxuuna uga digay fitno iyo iskahor imaad, kuwaas oo yimada markii ay faafto qurunka iyo qabiilnimadu, wuxuuna u tiriyey tixdan:




Allahumma salli wasallim calaa xabiibi muxammad calayhi salaam




Axdi baad marteen arrin baan lahayne maxaad aawisheenoo middeennii ahayn?




Ballan baan lahaynoo billaahaad marteene miyaa been dudaalka bayaankii ahaa?




Toltol waan niqiin oo tanaan doorannee miyaa taabic gaalo islaam tiiriyaa?




Jawaab waa hesheen oo Bandiiraa jirtee ma rag jeenan waayoo naftii jiidataa?




Xumaa hoo xor qaado nin loo xoojiyoo raggii xaasidaayey xamaanta u sidaa




Khaliif gaalo raacay khiyaanuu wadaaye miyaa khaaddim gaalo islaam khaarijaa




Digniin waa qabnaa e nimey duufsadeeni miyuu daawadeenna dib u soo noqdaa?




Rijaaley bal eega ninkii raacay gaalo islaamkiina riicay rumee iillanaa?




Somaaloo ururtay nimaan saacideyn hadduu soor u leexday tubtii seegganaa




Shan beraa ka laaban shallay boohineede ninkii sheex gartaahi sharbeed yuu jeclaan




Dharaartii lib joogta ninkii dhawra waayey carruurtuu dhalaayo bal yaa loo dhisaa?




Cabiid gaal ahaw iyo cadaabtii middeebaa carfoon oo naftiinnu dadow caashaqdaa?




Gef weynaa nin gaalo inay guul helaan ilaah ugu galliimay guntiinuu baryaa




Fataankii somaali far soo dheer ahaa haddey foogta gaarto maxaa loo filaa?




Qalloocnaa nin gaalo bartiita u qoraa qabiilkaa ka roon iyo qoloon sheegannee




Kufaartii ilaahey kitaabkii ku sheegay ninkaa haatan koobin xumaan keeni mee?




Lib baad haysataane nin laacaaya gaalo rabbaa liiday kaase maloo laab hugmaa?




Muraadkii dhammaayoo muddaan qaadannee maciin gaala raacay allee maan yaraa!




Nacfi eebbahey baa nin nool siin karee maxaad gaal nijaasa Naftuu raaciseen?




Waxaa waanadey ah war ninkii maqlaayow hadduu Waa’ iftiimo miyaa Waab ceshaa?




Hanti eebbahey baa hayee haybiyee miyey gaal u hiilli hoyaatiin noqee?




Yaxaaskii ha qaado nin gaalo u yixdee war maad yeeli mayno yiraahdoo tiraan?




----000----




(27) URUGOODAYEY!




Taariikhdu markay ahayd 1949 kii waxaa dheeraaday dagaalkii lugula jirey isticmaarka islamarkaasna waxaa sii batay dhibaatadii isticmaarku ku hakinayey geesiyaalka xirnimada higsanayey wuxuuna isticmaarku billaabay inuu khaddaaco abuuro tuhmana ku kala dhaliyo hoggaamiyeyaasha dhexdooda markaas buu is celin waayey shaacirka waddaniga ah allaha u naxariistee, wuxuuna ugu yeeray dadka somaaliyeed ee halganka ugu jira gobannimodoonka ee naftooda iyo malkoodaba u huray inay soo jeedaan iskuna duubnaadaan si ay uga guulaystaan cadowgooda wuxuuna tiriyey tixdaan oo layiraa Ururgo:




Yaa is aaminoo islaamna aheey yaa aala soomalaad ahey

waa tii ikhwaan aad loo noqdee qoomkii ururay yaa ahey




aymaanta waa tii lays marshee yaa eex wadoo inkaaraneey

urugoodayey ma anaaniyaa ajashii horteed lagu oomayaa




urugoodayey caqli gaabninaa oba gaalba waa kala aallatee

urugoodayey il madoobinaa ilmaheenni waa la addoonsadee




urugoodayey wax nimaaa ogeyn arrinkiisa see lagu aakibaa

urugoodayey ma nin eex wataa isticmaarku noo-gu uleexayaa

sallaallaahuyey nabi suubbanoo nin salaad tukaa-ba salaamayow

wabillaahi waa asaxaabihii wa ibtaaca diin-ka ilaahayow




wakadaa ikhwaanka ururayow isim yeeshay leego islaamiyow




---------00-----------




28- A X D I .




Madaxdii soomaaliyeed ee xukunka qabatay kaddib markii gobannimada la hantiyey. ayaa mudanayaal isku sheeggii majaraha u qabteen xukunka, ay qabyaalad baas iyo is afgaran waa ka dhex abuureen,. falsafadda mudanayaashaasi kama aysan duwanayn tii booraanta ku hoysay afrikay huruddoy. Madax ku sheeggaasi waxay hir geliyeen shaarkiina ka fiiqeen fikraddii lagu hoogey ee ahayd “qaybi oo xukun” markaa ayuu shucuurtiisa oo karaar dhaaftay darted xaajigu maanso ka tiriyey jidka foosha xun ee loo janjeershey diiradda halganka soomaalida iyo abbaartii gobonnimada.




isagoo haddaba u arkayey in ay fitno iyo iska hor imaad dhalinayaan siina tarmi doonaan haddiiba ay faafto qabyaaladdu ayuu xaajigu mariyey tixdan, wuxuuna yiri:




Yaa allaahu allaah yaa allaahu Rabbii yaa allaahu xasbii ayid Dawlatanaa.




rag ilaahey yaqaan lana aamminayow axdigii ad marteen ma anaaniyadaa?




arrin daakhiliyaa kol haddaad aragteen ul ku taagsashadii ma xaq iilasha baa?




arligeenna dhulkaan ajnaboon ka dhammaan odayaala nacoow ma ogaal li’ibaa?




orobbaan iyo aasiya ooga ka laac istiqlaalka hortiis ma aqoon darribaa?




cadawgii la eryoo weli oodda la yaal ikhtilaafka socdaa ma inkaar na helaa?




innagoon addin xoogliyo aalad lahayn ulo booca ku duul ma naftaa ahlig baa?




xurnimaa oloshee amarkii beddelaa ma nin eexa ku haystiyo tuug ajnabaa?




somaloo idilkeed UNO buug kula taal isticmaar u noqdow ma ishaada rid baa?




ubixii mirihii aag afkaa ku hayaa inqilaabka wadee ma ayaan darribaa?




ssimkii ifayoo cadawgii ka ordaa agmar nooga dhacee ma adkaysan karnaa?




raggii gaal u ordee anfac doonad ahaa oraahdaan u niqiin ha kaa aarto miyaa?




walaalkaa arinuug afkii aad ku tiraa adigaw ambadee nabsi iishay miyaa?




istarliin rag sitaa arligeenna degoo talo asana watee mala aammusayaa?




ummaddii ururtoo intibaahu galaa kala aammin baxdee ma isaa’a yarbaa?




abyaaddii an tixee irid leego ku taal taladii la unkaa ma wax lay ag marshaa?




axyaa waa aragteen sidey noo anfacdee itixaad nin rabaa ma af uu beddelaa?




nin ilaahey yaqaan misna xaalka ogow hadalkaan allifaa ma ka aammusid baa?




----0000---




YAXOOB




Habeenkii 1dii Luulyo 1960kii ayaa shucuurtii xaaji muxamed ee waqtiga dheer, sugeysey gobannimada is celin weysey daqiiqadihii ka horreyey kor yeelidda calanka, markaas bay burqatey tixdii ay laabtiisu la hingoonaysey isaga oo ilaahey ugu xamdinaya amarka uu ku galladaystay ummadda soomaaliyeed, calankana ugu ducaynaya iyada oo ay gobonnimo gaareen laba qaybood o ka mid ah shantii qaybood ee soomaaliyeed ee isticmaarku hasytey, islamarkaasna dadka ugu bishaareynaya dhalashada cadceedda xornimada iyo muuqaalka waqtiga cusub ee u muuqday ummadda soomaaliyeed, wuxuuna tiriyey tixdan: (Waxan u aragnaa inuu calanka kadambeeyey gabaygani).




Yaabayey soomaaliyeey dadku waa kan yaacayee

hadalkii yaqiin ahoo aan la yeelin baan arkaa!




Ajnaboo ugaarashaa amxaaroon ammaan lahayn

itaalkoo an noo adkaan af anaaniyaan arkaa!




Billaddii esway eloo bayaxawga noo ahayd

haddey dowlad soo baxsheen in la beeniyaan arkaa!




Toltol waan ka soo tagnoo xurnimaan tabteed haynee

ninkii tiisa waayay oo ul la tooxan baan arkaa!




Jamhuur dowlad noo ah baan barlamaanka joojinee

jil ekaysi baan rabnee naf jeclaysi baan arkaa!




Xayawaanka xoolahaa xurmadeenna muujiyee

dad ninkii ku xoogsadoo iska xooray baan arkaa!




Khilaafkii soomaaliyeed kharribaadda noo lahaa

raggaan khaas u doorannoo is khiyaamay baan arkaa




Dahabkii la daah rogyoo xurnimaan ku doonannee

nimankii u duubtayoo kala diiqay baan arkaa!




Rijaashii soomaaliyoon ra’yi qayb u doorannee,

haddey raaxadii arkeen run illoobay baan arkaa!




Salaadiin soomaaliyeed wax dhan baan saraadinnee

calankii samaawigoo nala siiyey baan arkaa!




Shubbaantii soomaaliyeed shafka dowladdey hayeen

Shujaaciyo shaacirkii meel ku sheegin baan arkaa!




Dharaartii lib baan helnoo cadowgii dhaqaajinnee

in dhulkeenna dhawristiis luga dhaartay baan arkaa!




Carradaan soomaaliyeed wax dhan baa cinaad hayee

calankii bakaal cadoo callaqaadayaan arkaa!




Gob ahaan somaaliyeed nimankii u soo gubtoo

garbahaartiyoo ku taal is gulaalayaan arkaa!




Farxaddii somaaliyeed fahmadeedu daad ahayd

raggii fool horaad noqdoo far ku taag leh baan arkaa!




Quruuntaan ka qayb galnoo quwa diini baan qabnee

in qabiil qabiiladii qumi diidday baan arkaa!




Kufaartii haddey kaceen kaligeenna baan nahee

kasiwaaga diinigoon la kahaynin baan arkaa!




Lisaankii xur buu noqdoo cadowgii ka leexannee

nin walaalki liidayoo lahan ciil qabaan arkaa!




Mahad baa inoo egoo macdan dowladaan helnee

rag muraayaddii jabtoo madmadow leh baan arkaa!




Noloshii somaaliyeed haddey naadadeed maqleen

nuguskii amxaaradoo naxnaxaaya baan arkaa




Wacadkii somaaliyeed is walaashi noo ahaa

Wax wadaajiyaashiyoo kala weecday baan arkaa!




Hantidii rabbaa hayoo inta haybinnaan helnee

shalay gaal u hiilliyaal naga hooshayaan arkaa!




Yarya weynba waa yaqiin arrin baa yaddii gashii

ninkaan loogu yeerin oo col la yuuraraan arkaa!




Yarya weynba dowladdii isla yeelashaan rabnee

yedda kii la gaaray oo ku yaxoobsadaan arkaa




---00---







30- H A N T I W A D A A G G A .




Markii lugu dhawaaqay hantiwadaagga cilmiga ku qotoma 1972 kii, ayey ku timid munaasabbadda tixdan, haddaba isagoo tixraacdaya aqoontiisa waayo aragnimo ee uu u leeyahay dhaqanka iyo hiddaha dhulkiisa iyo dadkiisaba, ayuu xaajigu garwaaqsaday in aanuu hantiwadaaggu ka qoto fogeyn waxna u dhimeyn nolosheenna soomaaliyeed , falsafadda hantiwadaagguse ay uun tahay mid cilmiyeysan.




Wuxuu sidaas awgeed uu jeedinayaa warxumo tashiilaha , afmiishaarrada, daneystayaasha iyo kuwa la halmaala in sida xun ee ay uguatarjumayaan ku caabbiyo.

babda’aan isagoon arkaya in uu yahay hab nololeed mid ku habboon ummadda soomaaliyeedna horumar degdeg ah iyo heer isku fillaansho gaarsiinaya haddii si wanaagsan loogu dhaqmo, ayuu xaajigu si raynrayn leh ugu maansooday tixdan Hantiwadaag, wuxuuna yiri:




Haaraanka laykuma jecliyo hoo i sii badane

hilow malahan meeshii darfaha lagugu haystaaye

hibo aan ilaahey kusiin hara ma doogayne

hoo iyo isii hagar la’aan lama helaa taase

hafrigaba horteen laguma maqal taniya haabiile

inkastuu hanuun qabo wuxuu hebel i sii yeelo

hodonnimo inay kuu dhaxlaan horayba loo waaye

halqabsiguba maahayn baryaa lugu hodmaayaahe

lagamana hirqado waxan ilaah gacanti kuu hayne

shir habiiqay laylkii haddii lugu habeenoobo

hinfiraarki dheelmaday kolkay horimmo xoogawdo

hunda socota goortuu mugdigu laba hareereeyo

haasaawahaa lagu daraa yaa nahoy kara e

bukhayl hoolif hoyskuu fadhiyo maba haweystaane

hayalnima kastuu qabo ninkaan heli kareyn siinta

haab-haabad waa hagar la’aan kuma hakootaane

wax habeen bar lugu dheelmadaa haaye-bixiyaahe

hurdadaa wax laga toosiyaa lagu heshiigiiye

halhaleel wax lagu haybiyaa hebel ma joogaaye

haakaale yaa laga sin-maa maqalka haahdaahe

laga hele wixii laga hamaa magacsan loo haaye

hanti iyo xoogba kama maarmi karo talo nin haayaaye

qarannimo hannaan ma leh hadddaan hub iyo maal oole

shacab kuma hanuunsamo waddaan laga heleyn soore

kamana haybad qaataan ninkaan ka hilba roonayne

haddaan calanka loo wada halgamin waa habheeb cadow e

hito nimaad lahaydeen asii shalay la haahuurshey

adoo habataclaa dagantiduu hilin bannaan eego

hayay ciidan kama saari karo good hul kuu galaye

horma ariba hubuqdey heshay ku hirdamootaaye

yaan malaha tacab aan hir dhicin lagu hariifoone

kolka hore sidii loo hantiyo wadajir noo haaya

halhal hawli kuma meel martee wax isla hayn yeesha

anaa hebela anigaa hormari kali wax aan haysto

horaa lagu lumee yaan waddada laga tilmaan haadin

hinji laysla qaadaa ma dhibo qoom hanuunsamaye

haye been ah hagarrowgu yuu hees na maqashiine

hudunburuhu maanaa hir u leh yuu na haraseynin

hiyigabase kay kaga jirtow shalay nin maa haayey

oo haatan yaa lugu hubaa hibo in loo siiyey

oo yaa hantiya dawladnimo shacabku haaneedsho

ee sida hal gaafo ah waddada lugu hoggaamaayo

ee gelinba labadiisa hoos galabba wiil hooyo

hudheellada warkaa lala fadhiyo doqonta hoofkeeda

haasaawe beenlaha shacbiga lugu habaajaayo

hantiwadagga yaan naloo dhacsiin belo na soo haysa

halbowliyo wadnaha yey xurnimo heer la tumataaye

waa hadimmo qoomkaan hal noqon loo hawoo karo e

waa haybad ciil nimuu hayaa ku hambalyoodaahe

waa hilib aan laga maarmi karin haantadaan garane

waa hawl aan loo dhiibi karin doqon habdoolaahe

waa caafimaad oo la helay cudurna haadaaye

waa dunida haawee la mida waxan la haybeyne

waa hayso waligaa haddaan hooge kaa bi’ine

halnase niman ka garan ee horkaca muran ku haybaaya

ee wuxuusan hayn karin masayr ugu halaaqaaya

hubaadkuu is yiri yaa naflaha kaa horrayn kara e

hanki waaye ceebaalku waw hanato boogeede

laantii hawada kaa gashee celi lahayd haanta

hakad iyo qallooc u hormaraad uga hakootaaye

ruuxii habowsani hadduu hore u weynaado

hilin toosan u laaban karo sida hannaankaahe

arday macallin baas u hor maree luquf ku haad-haaday

halkuu dhigay ka soo noqoshadiis looma haal helo e

hilibkii adeegsimo ku baxay horukicii diidye

hoos-kale-harsade howl ka tali waa la heer culuse

hanti yeelo yaan lugu kareyn hoo u noolaha e

hawl wada qabsigu waa adduun hadimmadiisiiye

haddii aan halyey ina siyaad nugu hoggaamaynin

oon tawraddii noo hirgelin lama hagaageene

ogaabey hudheelkii jubbaad lama haweysteene

cadowgii hortii gubay ilmada lama hagoogteene

hafri dunida lama haybiyeen haybadduu yahaye

hilow gacalo uma soo degeen haybka aadmiguye

ilmo waalidkoodii wed helay ama habaas yaalla

hoyashada dhaqaalkiyo tacliin ama hinnaankooda

nin lafoole heelkiisa tegey waa hanuunsamiye

hal saliingo qiimadi ninkuu hilibki dhiig yeesho

hilow aragtidoodii ilmada haysan kari waaye

hadba haddii mashaariic hufani nala hor taagaayo

harfaheenna waxa loogu wacay waa hoggaan baride

hoyskaan ka nimid waa inaan hubanti geynaaye

waxba hadalku yuu ila hungane waxan ku sii hooyey

gobannimo nin haystaahi waa hogol daruureede

jiilaal hawaariyo nin jira waxa haaya moogge

had-had luguma noolaan kariyo hooge taladiise

inta weli hanuunsane waddada nugu hoggaamaayo

ee tawraddii nugu horkici kala horrayn diidka

afrikaa heshiisaye intii faraqa lays haysto

soomaaliyeey hagar la’aan tacab ku hawshooda




----000----










31- K A C A A N .




Kaddib kacaankii 21 Oktoobar 1969 kii, ayuu xaajigu arkay inuu la curtay nabadgelyo, sinnaan iyo caddaalad, dadkii colaaddu ka dhexeysey, dhiiggana iska daadin jirey aya Ceel iyo Carshinba wada degey.




Haddaba isagoo jeclaystay habka iyo hannaanka waaga cucub la soo galay iyo sida jaallannimada ah ee la dhaqan geliyey ayuu xaajigu u bogay, wuxuuna yiri:




Lagu diirsay tawraddu haddey cadow afduubeene

lana daaqyey meel aan la degin dirir la’aanteede

waa laysku keen dirahayoo daba-dabaa tiile

xumo uma dadaaleen haddaan huriye duugnayne

dalka lugu walaal noqoy beryaha cab iyo daaqiiye

nin waliba ninkuu dil is lahaa gacal ku daymooye

dib u noqod ilaahey ka megen iyo is dooxiiye

baarlamaan dullaysani berguu qabaliyuu duubtay

boqortooyo noo daran raggii inaga duuflaalshey

dalka xooggu doog uma le'daan feeruhuu darane

duubigu ha raagiyo raggii gooni loo dumaye

damacii ku jirey reer galbeed dagantidiis waaye

meeshay ka dacal dhiibayeen xire dadkeediiye

dabkey qaaqamaayeen ma birin labo diraacoode

danba xeeladdey nala rabeen laga digniin qaadye

dabinkii ay qooleen ilaah lama u sii deyne

dar allaahi baa adag xumaan duul kastoo wada e

docda yawmul badar maalintii nabiga loo duulay

isagiyo dadkiisii berguu cadowgu deegamay

waxa diiday gaalada ilaah qoomuu soo diraye

dabayluhu ku kace xukun alloo daahan baa wadaye

baqe dide allaylehe kuwii ugu da’ roonaaye

idinkuna haddaadnaan damqane dacalku laalaado

aan daa’inkii naga ogaa idin dareensiinin

danta yurubku waxay doonayeen inay na duugaane

haddaan daganno say nala damceen waa naloo digaye

dar allaahiyoo inan xurnimo lagu dekeynayne

dusha yaan xamaal wedi lahayn dirir la’aantiise

dulli baa na saarnaa lahaa lamana diideene

wax dellegan daanyuuska baan libini deeqayne

oo inay na daaddeyn hayeen qaba dullaashiiye

daaf baa indhaha looga riday labada daymaahe

caqligaa dabool laga gelshee nalama doodeena




waxan hadalku yuu ila durkine yare ku soo duubay

oon idinka soo maray dalkii idin dareensiiyey

oo maxamed doorane siyaad dulucda gaarsiiyey

ee gacalo dirirkiyo lafaha aniga dowgey ah

aan dood kaleetiyo ku jirin xumo la daahaayo

ee daa’inkii iga hadliyey daahir ugu muuqda

waligey war baan diri jiree waan la daalacane

dhegahaw daboolaa raggii loogu daw galaye

haddaad idinku diiddiinna waa dan iyo yeelkiine

dadweynuhu wuxuu qabo ogaal duxa ha loo yeesho

dan ku gaarid yey noqon waxaan laga naxayn duugga

yaan duul ku aaminay sidii cadowga loo dooxin

yaan dood xun geeyaha warkiis shacabka loo duulin

dawo malehe yuu been dufeed diradiraa keenin

xaq la duudsi maayee rag yuu labo dibluu xoorin

ilaah baa na deeqoo wixii dano an moogayne

qayraan haddaan duubannoo qobi la daanyoodo

mayd duugna kulay tahay haddii duma la soo waayo

haddaan miraha duurkaa sidii dabata noolaanno

war halaga digniin qabo ajnebi gacanta loo doogto.




-----000-----




(32) TAWRADDA.




Shaacirku wuxuu tixdaan tiriyey kaddib markii uu dhashay kacaankii 21kii oktoobar ayna soo saareen labad gole baaq is daba joog ah oo sheegaya in aan dib loo arkeyn xumaantii, eexdii, qabiil-qabiilkii, iyo qof jeclaysigii, markaas isagoo xaaji maxamed axmed liibaan weliba tilmaamay qodobbadiii ugu waaweynaa ee kharribaadda keenay iyo in la guulasytey haddaan kuwaan dib loo arkayn, wuxuu yiri:




Haddaan tawradda eegoon ilaahey ka cabsaayo,

asaboob an ku aallinna aanan ooga salaaxin

walax aanan ogaynna aanan been ku abuuran,

lix hal oo afdhalaal iyo abjin uunka ku laayey,

ibtilooyin ahaayoo, awelkii ina haystay,

arrintooda billowga afkii ay ku hadleen

haddey tooda ahaato arwaaxaa na dhammaysay




oobbigii la dhigaayey arrin laylkii dhammaaday

ninna loo il baxaayey nin kaloon wax ogaynna

belo loogu abuuray qallinkaa afmadowna

nimaan aanada geysan adduun looga dhacaayey

wixii aan run ahayn dadka yaan la ciqaabin,

haddey taasi ahaato arwaaxaa na dhammaysay,




Iskuulaadka tacliinta imtixaanka la qaaday

hadduu joogay ayaamo lambarkii afaraad

ninkii aad u ogayd aqbal weeye middaadu

xaashi loogu iftiinshey yunifersitadiina

waxba ay ku agtiillay eexdi waa laga aallay

haddii taasi ahaato arwaaxaa na dhammaysay,




Isbitaalka la jiifo ummaddii ku idlaatay

adduunkii la wadaajona anfac buuran la siiyey

nimaan daawada iibsanna cirbad uusan arkayn

ummadii awal haysay obo gaalo ma dhaamin

rag aqoon alla siiyow ambiidkuu naxariista,

hadduu maanta adeego arwaaxaa na dhammeeyey




Askartii usha haysey nin garaaddo ammaan leh

oogadiisa la saaray nin la ayni ahaana

la ihaano darraabo utuntaad ku adkaysay

ninba suu ku adeegtaa arjigiisu noqaa

haddey taasi ahatana arwaaxaa na dhammaysay,




Islaamkii sharicigii ee ruux igan gooya

naftii loo ajalaayey ninkii maal utun qaadana

gacan loo urguxaayey ilaahii dadka kiisa XXXX

sidii uu ku aqoolay wax dhaamuu arki maynee

aayaddii ha la raaco haddey taasi ahaatana

arwaaxaa na dhammaysay.




Adduunkii lacageed ee ardi dheer laga keenay

amase ay arladeenna istiqlaal dabadiisa

badi looga aruurshey jumladaa idilkeeduna

malaayiin ay ahaatay meelay aaday an mooyee

amaah doon iyo tuugmana arladii ku ekaynay

beeni waa ilmo jaane indhahayga ma saarin

afka saan ka maqlaayase midda haatan aruursan

eegow loo noqon maayo haddey taasi ahaato

arwaaxaa na dhamaysay.




Ereygii u dambeeyeen tiradii ku afduubay

wixii aanan idlayn iyo waxan uurka ku haayaba

hadduu aawil maleeyo wax yaqaan arki doone

bal halayga ajiibo istiqlaalaka la qaatay

arrin gaal ma ahayn ilaahey amarkiis iyo

il duufbay ku ahaatay haddii ay il baxeenna

iyo awoodda arkeen inan dowlad ahaanno

utun bay ka qabaane aanadii ka maqnaydna

orobbaan ma illoobo, ummaddii hor dhuntaahi

istiqaamo mayeelo nimuu waalid inkaaray

awooddiis ma adeegto nin arwaax lugu doortay

ismulaahi ku dhaartay loona aaminay ruuxa

ildaraan iyo baahi shacabkoo wada oomanoo

ilmadii ka da’ayso abxadiisa fogeystoo

arrinkii lala yeeshay iglan daar ka samaystay

waa abeeso xambaaro aabbe noo noqon maayo

oogadaa na caddaatay ilmo maahin carruur ah

iyagaa ifkaa waaga wuxu uunku arkaayo

allaylkii la fogaaday aan aqoontoodu dhammayn

idinkaana naftiinna arrinkiinna daboolan

ukun daahan la moodo afku meel uu u jeedo

la aqoon kari waayey abris duuganeyaasha

amas qaaqamahaa oo il baa goobad hayaa,

inaadnaan ahalaysan shardi oo la ogaado

ubax fiiddi ku taali intuu aaran ka gaaree

miro looga arkaayo abwaankii wax yaqaani

hadduu eed kala yaabo waa ammaan oran maayo




waxasaan ku idleeyoo hadalkeyga ku ooday

idinkaanya adoogu kolba ways ogtihiine

arrin wuxuu ku dhammaadoo noo iftiimi kartaan.

-----000----

(33) AMAKAAG.

Shaacirka xaaji maxamed axmed liibaan wuxuu tiriyey tixdan intii uu kacaanku jirey isagoo u gar naqaya ama kala caddeynaya farqiga u dhexeeya tawradda iyo xukuumaddii ka horraysey tixdan oo aad u ballaaran wuxuu u qaybiyey dadka soomaaliyeed saddex nooc, shacab, maamul, iyo madaxweynaha, wuxuna yiri:


Iaydoo amakaag iyo afdhalaal na ekeeyey

iftiinkii la malaystana mugdi aasani duugay

isimkii magacii iyo ooga muuqadka maahee

macnihii laga oomay nin aqoon alla siiyey

iyo abwaankii wax garaayey hadduu aawil maleeyo


isticmaarki na haayoo istiqlaalba la qaadan

nin ogoo wax arkaaya arrin suu ku dhammaaday

uwaaddiisa an haynin indhuhuu ku dammooday

ilmadii ka da'ayso ilaahaan wax illoobin

wax dhibaalna arkaaya ambiibkuu naxariista

inqilaabka oktoobar askartii ku ilhaanshey

dabadeedna aqoon iyo addin xoole u yeelay

ku arkaan ninkaan iillanay awooddooda xiraan

reer orobba cadkeeda asasiina diraal ah

abris guud ku xambaarsan good alaalixiyaaga

ammintii la mirsaaya kuuna ooga qurxoon

arrinkii kula haysta aqalkii ay galeen iyo

miinadii lugu aasay inti aan olol qiiqin

aragtiina rumeedka ilya baar ka dhoweeyoo

ifiyoo na tusee haddey tooda ahaato

afkey noo ku fiyeen naf m iyaa unkanayd

maxaa luulyo inkaaray loo ihaana darraabay

waatey iidda lahayde ummaddey ku jirtoy

ifkii luulyo billowday iyoinqilaabki oktoobar

ayamaa istiqlaalka ictiraaf ku abbaaran

haddabaan isla eegno bal aan meel ka iftiinsho

in armaati istoorka amnigaa laga qaaday

nin ogaana arkaayey arrin haysku talaayey

ummaddii la dhex geeyey lagu aana dagaalay

odayaal lagu laayey agoontii hadda joogto

nin ogoo arkaayow istiqlaal ictiraaf leh

mow aqoonsan karnaa?


In kaleetana waa alimitaar ninka jooga

Af talyaani ku gaaray war kaleeta aqoonin

Wax ogaalna abwaanka arbaciin bal ka aale

Caana nuug ilkihiisa bar afkuuga jiraan

Inta khaarijka aadday bug aqooni ku taallo

Arkayoo inqilaabay fartiisii ku aglooshay

Inuu aad u yaqaanna imtixaanki la qaaday

Marag been ah ku oogtay ninkii saa u adeegtay

Amiir loo magacaabay ummaddii la dhex geeyey

Beladuu ku abuuray kala aammin baxeenoo

Ooda-ooda noqdeen nin ogoo arkayow

Istiqlaal ictiraaf leh mow aqoonsan karnaa?


Niman aala tabcaaya adduunkiis ka dhacaaya

Abtirsiinaya qabiilna yaa ahaaday ku abaaday

Kolkey eedi ku gaartana iriddii ad istaagtood

Axkaam dawlo u aaddo amiirkii xukumaayey

Marna aadan arkeynoo in xigtaa ku uruurtay

Nin ogoo arkayow istiqlaal ictiraaf leh

Mow aqoonsan karnaa?


In kaleetana waa aqalkii mursaliiniyow

Afka dhiigga lahaa isticmaarku samaystay

Nimankii isku awdoo in adduunka la booboo

Magic aada la yeesho orobbeeyo taqaanno

Lacag loogu aruursho arrinkii ku dhammaystay

Shacabkooda iltaamay waddankooda agoona

Maxaa nooga eg manta marna taa oran waayey

Nin ogoo arkayow adoon eex ku hadleynin

Istiqlaal ictiraaf leh mow aqoonsan karnaa?


In kaloo ka darraydoo abab luulyo ahayd

Haatanaan la arkeynin balaan taana iftiinsho

Ma amah iyo tuugmo iin naloogu tilmaamo

Idaacooyin maqlaaba istiqlaal ictiraaf leh

Mow aqoonsan karnaa?


Ma anaaniyaddii iyo hebel manta ka aarso

See lagaaga adkaaday waatan luulyo ahayne

Haatanaan la arkeyne yaa istiqlaal ictiraaf leh

Loo aqoonsan karaa?


Ma ammaana cunkii iyi agoontii la dhacaayey

Elji geela eryaaya waatan luulyo ahayene

Yaa istiqlaal ictiraaf leh loo aqoonsan karaa?


Mase uurka ballaatan sidii awr maxaloobay

Iyo waddankii la illaabay yaa istiqlaal ictiraaf leh

Loo aqoonsan karaa?


Inahaa an tilmaamay iyo wax la ayni wadaag ah

Adduunkaan maqashiiyee run haddey u ekaato

Nimankii arrimaayey ababkaa ku talaayey

Maalintii la afduubay kow labaatan oktoobar

Istiqlaal la yiraahdo inqilaab laga daayo

Tanaa iila abbaar ah haddii aysan ahaynna

Ereygii af ka yeera jawaab baa u amaal ah

Ma ahaa igu aadda ka akeekami mayo

Inkir laygama dhawro edeb baan ka qabaa

Inyaroo ula jeeddo arrin noo dhexdhexeeya

Aqoonteydu I siisay isba aan laga maarmin

Balaan taa iftiinsho.


Ragga ayda degaayoo adduunkiisa dhaqaaya
Ama beerta abuuroo aslaaxiisa falaaya
Ama beecshira aadoo ilbixii la yiraahdo
Erey baa iga gaaray.

Axkaamtii ragga haayoo majliskii oggolaadoo
Ummad maamuliddeedya amni loo magacaabay
Erey baa iga gaaray.

Arrin guud odayeynta ninka eebbe ishaaray
Ajiibaa magacaabay, isna aabbe siyaadna
Erey baa iga gaaray, ereygii u horreeyey
Ummad weyne dadow ilaahey an iqraarno
Aayaddiisa rumayno nabigii an addeecno
Suunadiisa dkeyno asaboob iyo daacad

Ummaddii ku dhaqmaysa abaar uunka dhammaysiyo

Aafo waa ka koraane ammaan aan isi siinno

Anaa wax ogaaloon itaalkeed la lahayni

Ibliis bay ebteleysey dowladdaa amminkeenna

Arrintii la wareegtay ilaahaaga ka iilo

Intii aan ka ahayn amarkey la timaado

Aan ajiibno warkeedoo edeb aan kula joogno

Uwaadoo iga yeela amaal baad ku qabtiin oo

Waa idiin ektahee.


Axkaamtii raga haayoo Ummad maamuliddeeda

amni loo magacaabow Ilaah baydin arkaayee

ambiibkuu naxariista aana doon iyo eexna

labadaa ka ejooda ikhtilaafka dhacaaya

garta noogu ekeeya ammaankiidin ag yaallana

ilaalaydin joogtee afka buusa ka aalla

aakhiroo aan la gaarin ragbaa iilka u yaallee

afka kiinna aqooda nin la aammin adeejey

xilbuu oofta ku qaadee waddankuu odayeeya

ilaah haydin ammaanshee si san noogu adeega

ninka eebbe ishaaro ajiibaa magacaabay


oday aabbe siyaad erey baa iga gaaray

oday aabbe siyaadow arrinkaa ku ag yaalla

addinkaa kuma doonan allow yaa mar ahaadana

adba waad ogtahoo uurka kaagama aallin

iibsigii lacageedna afmiishaar inta siisay

eex luguuguma dooran ilaah looxa ag yaal bey

aamanuu qarsanayd, saacaddii idmanayd baa

malagii la adeejey addimuu ku dhawaaqay

ummadduu maqashiiyeyna inkir kaama tuwaaddo

dowladdaada adkaatay waxa kuu addimeeya

in xumaan lugu eego loo uwaan kari waayey

oobbigii la dhigaayoo orobbaanku samaystay

xaqna loo addin sheegtay gardarraale adkaaday

ul haddaad afka saartoo ilji geela eryeynin

ambiibkii la dhacaayey nabad ayda ku daaqay

il raxmuu ku dammoodaa dawladdaada adkaatay

in xumaan lugu eego loo uwaan kari waayey


anna waan akidaahe ducadeyda ammiinsha

arrin baa rag urshee talo tii u abbaaran

il duuf kaama haleelo cadow kuu addin sheegtee

awooddaa la wareega ifka eebbe ma keeno

asasiino ilbaadsi iriddaada ka goobtay

indhahaa kuma saaro ekaan aan awel joogin

dhulki aad ku abuurtay belo kaama eryooto

imam caaddil noqdaahi iilka waa ku ammaane

abees kaama qaniino isha meel ka xaggayda

iyo wadnaha unuggiisa eebo kaama wareento

arwaaxdaadiyo laabta insigii wax dammoodiyo

jinni kaama asiibo adigoo usha haaya

iyo majliskeenna uruka afgembuuma yimaado

ekeeyow odagiiyow anaa weni idlaataye

aafgo kuuma timaaddo haddaad noo arxamtaana

sharcigii la ilaalin raga aafaha aaday

axkaamtii la wareegay ninba suu ku adeegto

adduunkii ku dhaqaayo ishu aad u dammooto

ilaahii an awaajey aqbalkeyga ma diido


waxan saa ku idleeyey hadalkeyga ku ooday

nin hadduu ilmo yeesho illintoodiyo eedda

iyo tuugmo looma itaalo axadkii ka uleeyana

aabbahood kuma daayo ummaddaa la diraayoo

wax aqoonta dhaqaalkoo dad u aaya adduunka

iyo ilbax loo magacaabay inyar mooye jirteene

ogaadey ka maqleene alif beeto ma gaarin.


Waxanay ku ahaatay isticmaarki gaboobaa

Weli oodda la yaalla ababkuu nugu beeraa

Afkiisii la hayaa istiqlaalka la qaatay

Lafta dhuux kama uunmin abaar xoolo ku raagay

Intay aaran degaanoo axan qaad ilmo yeeshay

Aragtiinada roobka caano kuuma irmaana

Adduunkaan dhaqanaayee tanaa loola ekaaday

Oday aabbe siyaadow dhegahaaga ha awdan

Indhahaaga ha duuban wax ogaal aad u hayso

Male hawga adeegan dadku waa ummul waalid

Caqli waalidna maahan, aqoontoodu ma buurra

Ma ammaano xejaan abaalkood ma gutaan

Waxanaad ku ogaatay anfacii nimaad siisay

Arrintiina u dhiibtay uwooddii ad u yeeshay

Uubo kuugu qodaaya itaal gaab shacabkaahi

Afbillaw kama roona , dugsiyaasha la ooday

Ardaydii ku il qaadday intay noo arrinshaano

Adduunkuu taliyaan kolkaad aakhiro aaddo

Jannadii iriddeeda kugu aadi ilaahe

Na ilaali intaasoo hana aammin ruuxna!

-----00-----

34- DARBANOW.

Gabaygan wuxuu ka dambeeyey makii uu Madaxweyne Jaalle Siyaad

waanwaan nabadgelyo dhexdhigay labadii waddan ee Tanzaaniya iyo Ugaandha Zaambiya, waxa kale oo uu si qoto dheer uga faallaynayaa soo dhaweyntii dowladihii eer Afrika ee ku shiri lahaa Muqdisho, waana markii ugu horeysay ee wufuud sare ee noocaasi ah ay taariikhdu shaahiddo, kulankoodana lugu qabto Soomaaliya.

Farax awgii iyo hiyi kac ka soo ifbaxay saableyda iyo wadnaha xaajiga, ayey ku timid maansadaan gabyeed. waxanuu si gaar ah ammaan ballaaan oo kalgacaltooyo leh u jeedinayaa Jaalle Siyaad. si kalena waxa uu xaajigu ula hadlayaa dadka soomaaliyeed oo martida loo noqon doono , tusaalooyin iyo baraarujinna ugu tebinayaa sida xilka qoorta u suran ay uga samata bixi lahaayeen iyo sida hufan ee uu u doonayo in martida loo soo dhaweeyo, loo sooro, loona sagootin lahaa, waxana uu tixdan Darbanow ku yiri:

Darbane maxamadow talo adey kuu daleel tahaye

adaa doonay duul wada indho la’ daaf ka baabi’iye

soomaali daad sido adays yiri dabaashiiye

dal anbiib ah daaciyo agoon dacas la meel yaalla

danta guud adigaa is yiri yaan dad kaa lumine

wixii laabta kaa degey aduu weyne kuu diraye

dibedaha adaa mara sidii tawrad loo dumaye

adaan darin-mo caw iyo hurdada badi ku daahayne

wuxuu eebbe dooney noqee diiddo iyo yeele

digtoonaan adaa yiri shacbiga haw darraannina e

dawo malahan aadmiga ninkii loo danleeyahaye

ilahayse kuu damacsaduu magac la doonaahe

adaa daacaddaa uga guntaday dawlad baaba’ahe

adigaan dallaal kugu sireyn dahabkii miikoowe

adaan ugu dawaawixin ajnebi doollar kuu qubaye

adaan duuli duub noqon wixii door ku baaba’aye

danwadaag adow wacay intii loo darraan jiraye

afrikaanka waa lugu diraa diraca koodaahe

hadduu diriray adigaysu dumay labadii daafoode

dad gumaysi adigaa nin raba daawo la lahayne

dabka yurubka adigaan ifayn keenna oo dilane

adaa ula dagaallama siduu daa’inkey yiriye

rad qabiil ku duuloo shicbiga nolol ka doonaaya

dadkoo lumay adaa tawraddii daad ku weeraraye

dilka iyo dhicii aanadii laysla daba joogay

doorkooda nimankii dugaag hilib ku deeqsiiyey

dad walaala adigaa ka dhigay deris xumaaneede

dal ninkii xoreeyaa naflaha doorashay mudane

deynkiyo amaahdii adaa ceeb ka daahiraye

dahriyeynta adigaan la socon diinta gaalada e

nin da’weyni waa waalidkaa laga durraantaaye

dabuubtuu yiraa waa inaan badi la sii dayne

digniintiisa yaa waxa ku jira daanno iyo luule

nin ilaah ku daawaynayaa lugu diraa yeele

ruux dawladnimo loogu daro diinta nolosheeda

kama dego ammaarada intuu taaba daa’imo e

rabbi nuguma duwo muxamadiya inaw darraannaaye

damiin yuu u qabin inan ammaan gaar u daabacaye

doonidaba naaquuduhuu magacu doontaaye

deebaanta nimankii xejaa dibed ma yaallaane

dukashada salaaddaba ajriga labo rogaal duubka

imaamkii la daba joogsadaa loogu dawgalaye

dar allaahi qoonkii qabaa calan u daahaaye

carrab dalab leh uma quuri karo duul la aaminaye

dulucdaydu waa tawraddii eebbe soo diraye

waxse iga dardaarana waqtiga nala dulmeeraayo

doollaalo dheer waxa ku iman dawlayaal badane

daawashna way naga rabaan damacna waa meele

dalka xoogga aalada ninkii daba kacee eega

dar allaahi qabe iyo kuwii laba duslaynaaya

inay dabacsanaan naga gartaan waa wax noo darane

dejiyaha martidoow waxan kugu dambeysiiyey

malyan baa lagaa dumay rag aan wada dammooneyne

xil baa deegta kaa suran gacmaha laguna sii daaye

lugu dooray deysanid ishuna way ku daba taale

wax noo darani magacii dullow deeqna yuu harine

da’bigeenna deeq bixinta waa nalagu doortaaye

daqay hiliba caanaha dabaal darar u soo maala

inan duunyo leennahay naflaha badi u deeqsiiya

inta nala ka duulaa martida waxaw danuu yeela

nin waliba da'biga uu yaqaan damaci reereeya

degdeg soora lama daahiyee waa dad noo yimide

duugteeda nimankii lahaa ugu dambaysiiya

dadaaloy allaha daa'imshee calanku waa doore


---0000---


35- Taariikh - waa sutubiyaa.


Taariikhaha ninkii sax u yaqaan waa sutubiyaaye

abwaankii wax kala sooca iyo sayn caddaa hela e

haddaan saabka cudurruuga jirin say tahuu garane

Masar baa sabaan waxaa ku dhacay saxal nuxuuskiiye

wixii lugugu saamixi rabey sababtu fuusahaaye

Nabi yuusuf been saar xabsiga lugu siyaaseeye

Sac sac cunay riyada loo saddaray waa sawaal rogane

waxyi samada laga siiyey buu soor ku meel dhigaye

Sabuulkuu ku kaydiyey wixii baxay siniinkiiye

sebankii hadduu dhacay la sii sebiye waayeele

sunta gaajo waa dili lahayd sida la'aanteede

soomaaliyuu helay waqtiga seerahoo kale e

saacii oktoobare raggii hore la siibaayey

saraakiil armaati leh markii amar la siinaayey

sir ilaah agtiis tiillay baa soocay nimankaane

soortey tabceen iyo midduu shacabku soo saaray

sancadey ku wada meel dhigeen waa sir laagaxane

haddaan saadku meel aal asuu seben na naafeeyo

silic baa la baabi'i lahaa sida runtaahayde

wixii samada laga naadiyaa sabanku sheegaaye

aabbow siyaad waayadii loo safnaan jiraye

waatey ku wada sawdiyeen sebiya waayeele

odanimo wax lugu sooci jirey wiilki sedihiiye

ee weliba soofkii dayaca saara oo dila e

ee laba sargaamood la dhaca oodna soo roga e

een sebi nin kale siin karayn sooryo galabeede

sonkor iyo sarreen malab leh iyo sixin ku iidaaman

bur subkudi ah saaxili timreed soorta kala nooca

dharka suufa sootiyo bustaha ama saraawiisha

taqaatiir la kala saahibee cudurra soo saara

saraakiisha saacii walbaba siraha goobaaya

diyaaraadka samadaa lalee tegaya saaciiba

siyaarada yaryara iyo kuwii sida xamaalleey ah

intaasoo sigtima looga koro la isa soo saarye

siintana haddaad eegtid waa lama saluugaane

sawir caaqa seeggaan wax tarin tuugga sara goy ah

gabar suur ah tii dahab sidda iyo habar sabcaalley ah

sabookii hareetiyo midkuu sebenku naafeeyey

intaasoon lakala soocinbaa lugu sidaa meele

nin sinnaan u quudiyey dad wow waalid saafiyahe

si bannaani aabbow naflaha luguma seetayne

sirta lama ogaan karo ilaah siiyey aadmiga e

dib usocod sun cudur faafiyaa uma maleyn saase

siyaad iyo ragguu soocday baa saa u maamulaye

allow naga salaamey wixii sixir la goobaaya

iyagana mas'uulkey sidaan talo ha seegsiinnin!

-----0000----

(36) ilaahow hawado waa dhex.


Shaacirka Xaaji Maxamed Axmed wuxuu tixdan gabayga ah tiriyey, isagoo raacsiinaya tix ka horreysey ee uu ilaahey uga baryey inuu siiyo naag aqoon u leh dhaqanka xoolaha iyo dhaqanka guriga loona dhex maro dumarka, hasayeeshee uu guursaday haweeney taasoo uusan kala kulmin himilooyinkii uu u hanqal taagayey markaas ayuu soo rogaal celiyey rabbi tuuggii isagoo sheegaya in baryihiisii weli taagayihiin, wuxuuna yiri:


Ilaahow dhadhabadii madeyn iyo dhawaaqdiiye

ilaahow dhibaatadu adey weli ku dhawreehe

ilaahow nin kale looma dhihin dhib iga goydaase

ilaahow hawadu waa dhexoo wax uma dheeraane

ilaahow dhambalihii haddey dhigaha fuulaane

ilaahow ma kala dhiibi karo dhabaha ii yaale

ilaahow dhankoodaad saddaqo dhac uga qaaddaaye


ilaahow barkimadaa dhextaal amase dhoontiiye

ilaahow wax reer lugu dhaqaan dhure u laabnayne

ilaahow dhabayl kama aqaan kun iyo dheeraade

ilaahow middii loo dhex maro ma anan dhaafeene

ilaahow dhar bay wada sitaan idil dhammaantoode

ilaahow dhawaqa yeelay baa ugu dhacaan roone

ilaahow mid aan dhego adkayn dhabaha ii keene

ilaahow salaad dhawran baad xumo ku dhaaftaaye

ilaahow middii dhaanta waan kala dhimaynaaye

ilaahow islaamkoo dhanbaan dhaqan wadaagnaaye

ilaahow mid dhaw tacaba waa uma dhawaadaane

ilaahow adaan dhego la’ayn igana dheerayne

ilaahow waxaan dhahay adaan dhigay agtaadiiye

ilaahow dheyeli maahe waa iga dhab eedeede

ilaahow i soo dhugo adaan dhego dammoonayne.

---00----