YoutubeSomalidoonSomalitalkSoomaalinewsDalkanewsHillaacAhlusunaShabelleDayniileGoogleYGHmail

Caddaawe

Waxaa jirey AUN xaaji Maxamad Axmad Liibaan (Axyaa waddani) walaalkiis ka yar oo la oran jirey Cabdullaahi Axmed Liibaan, Bare ayuu xaajigu u ahaa oo

Cabdullaahi wuxuu ahaa nin diinta si fiican wax uga yiqiin, sida axkaamta shareecada islaamka, markuu weynaaday buu u ambabaxay Itoobiya isagoo markii hore Xajka aaday balse markuu xajkii ka soo laabtay, ayuu iska joogay Itoobiya, halkaas oo uu ka noqday Garsoore, sidii la filayeyna dib uma uusan soo laaban ee Itoobiya ayuu isaga negaaday, war iyo wacaalna waa laga waayey.

AUN Hooyo Muumino Cumar oo ahayd labadooda hooyadood xaajigana kula noolayd agagaarka Degmada Xarardheere, ayaa aad ugu hilowday aragtida wiilkeedii cabduullaahi, sida laga wada warqabana berigaas safarku aad buu u cuslaa gaadiid xumo darteed.

Haddaba Xaajigu wuxuu damcay inuu farriin u dhiibo nin aadi rabey reerkiisa oo joogay Itoobiya lana oran jirey AUN Caddaawe-Dheere, hasa yeeshee caddaawe dadaal kuma caga waadin, bixitaankiisiina waa la raagsaday, kolkaas buu xaajigu gabaygan gaaban laakiin aad u culayska badan tiriyey, oo u dhiibay Caddaawe, isagoo walaalkiis Cabdullaahi ku oranaya, walaalow haddii aad xajkii tagtay, oo aad dembigii isaga soo mayrtay, welibana ku soo darsatay siyaaradii xaruntii rasuulka swc, oo aad masjidkiisii Madiina iyo qabrigiisiiba soo siyaaratay, oo aad iyadana ajir badan ka soo heshay, Hooyadeen maqnaanshahaaga aad bay ula murugootay, oo har iyo habeen sidaa bay u ooyeysaa, wuxuu kaloo xaajigu Cabdullaahi xusuusinayaa inuu guursaday oo iyadoo awelba dhaqaaluhu iska liitay uu culays badani soo fuulay, ubadkiisiina aysan weli u ciidmin, cid kaloo aan Alle ahayn oo caawisana aysan jirin, sidaa darteed ay tahay inuu cabdullaahi degdeg ugu yimaado hooyadiis, gutana xaqii walaalnimo iyo kii macallinnimaba, wuxuuna yiri Xaajigu:

Caddaawow ragaataye haddaad, socod rumaynayso,
Roobada haddaad xiratay eed, Hilinka roorayso,
Rabbi baa ammaan lehe haddaad, qabatid Reerkaagi,

Ruun-Xamar haddaad gaartid iyo, Riiqa Beledweyne,
Rastadaa xiriirtee wixii, Rag iyo Baabuura,
Risaala u dirtaa iyo Indhaha, Ragax ku siisaaba,

Cabdullaahi raadiye haddaad, aragtid Ruuxiisa,
Kacbadii Runta ahayd hadduu, Xumo ku soo reebay,
Qabrigii Rasuulkii hadduu, Ribix ka soo qaaday,
Rabbise uu yaqaan Hooyadaa, raalli ma ahayn dheh,

Ruuxii yimaadaba adey, kaa run jerisaa dheh,
Ciddoo ruxata rabiddaa adey, Weyd la rorogtaa dheh,
Rundud iyo Allow soo ridey, Ari ku raacdaa dheh,

sidii inuu raggeedii le'dey, Rorog ku boydaa dheh,
sida riixdi Nabi Yuusuf bay, kugu riyootaa dheh,
haddii uusan Roobkaas imaan, ima rabee tiil dheh,

Ninkii ribixa Diineed ku baray, Reera maganey dheh,
Raarya ceel Ragguu dhalay hor weli, uguma raaxeyn dheh,
Rafaadkii adduunyada nin kale, ugama reedeyn dheh,
Rayad maaha iyo Riibi geel, lagala rooraa dheh,
Ri' madow haddii adan ahayn, rabay Abaalkiis dheh.

-----

Cabdullaahi: Xaajiga walaalkiis.