YoutubeSomalidoonSomalitalkSoomaalinewsDalkanewsHillaacAhlusunaShabelleDayniileGoogleYGHmail

 KALNACAYB WALAAL 1983:

Gabaygan kalnacayb-Walaal waxaa tiriyey allaha u naxariistee abwaankii Soomaaliyeede waddaniga ahaa X. Mxamed Axmed Liibaan (Axyaawadani), isaga oo ka murugeysan dagaal sanadkii 1983dii dhex maray 2da jufo oo walaalaha ahe Cayr & Duduble, SD, ayuu isagoo aad & aad uga tiiraanyeysan u muujinayey waxay isu yihiin ama ay kala mudanyihiin, isagoo weliba Cayrka u tilmaamaya dagaalka ay walaalkood Duduble la gelayaan inuu yahay mid dullinnimo ah oo aan la aqbali karin oo uu leeyahay waalidkii baa Qabuuraha idinka soo habaaraya, wuxuu yiri isagoo gabayga Cayrka ku billaabaya:-
 
Habka gabayga Kaaf & Ha' baan, ku hindisaayaaye,
hooyaalladii kuma habayn, hees jacayllada e,
waxse laga helaa waa tariikh, horey usoo tiile,
oo hawl-kareen wada Hiraab, haybta uu yahaye,
huwiskiisu waa labada hayb, inay heshiiyaane,

Haddey talo haleelaan Lib bay, ka hirqan doonaane,
haddii kalese hoog baa talshoo, maqal ma haayaane,
anna waan ka haray waa hoggaan, hoos u foorara e,
ama waa habaarane ibliis, haama dhaansiguye.
 
Hiraab kala kac waxaseys ku haray, <b>naaski habareede,</b>
habeen & dharaar Rag kale, lama hoyaadaane,
<b>haybtooda looguma yaqaan, ina hiraaboode,</b>

Hiraab oday wuxuu nagu ogyahay, habar walaalkiiye,
hafrikaba waa laga yaqaan(hayaa), magaca haybtaahe,
waa Hooyo & Aabbihii, habey ogaayeene,
waa  haybad noo dhexa intaan, heer adduun nahaye,
<b class="gdd">lama haayo meel loo hor kaco, qolo halkiinnaahe,</b>

Horaad wada ma nuugteen haddaad, kala haraysaane,
ilko wada jirkoodey hilbaha, ugu hawoodaane,
Hal-hal uguma gooyaan wixii, kuu hamuun tira e,
idinkuna haddaad kala hartaan, waa habkoo kale e,

Ninka hooyadiis haqatay ee, Hab & naas waayey,
hiraaboo hammiyey maalintii, ciidda laga haabtay,
<b>madarkicisya hooyaddii markii, heeggan lagu qaaday,</b>
Halhaleel ducuu yiri Hiraab, hagar la'aaneede,

+
inankaa haddaad iga habtood, hanatay ood qaadday,
magiciisa haybtaa adaan, kuu hagoojiyaye,
hilibkaaga Haad & ma cuno, holaci naareede.
 
Ducaduu bergaa yiri Hiraab, waad ku hodonteene,
Faracii ka haray maanta waa, loo hanweynyahaye,
Hurgumada ilmaha yuu Hiraab, jiifka hanan waayin,
Ducaduu hor yiri haatan yaan, Hanata loo yeelin,

yaan haybaddiis dhicin ammaan, magica loo haayey,
Hab dagaala gacan taagga yuu, Camal la soo haadin,
wuxu haabashuu helo dad badan, yuusan halakaynin,
Hiyi-gaabku hadalkeyga yuu, heli aqoo waayin,

Gidireyba hooyey u tahay, magaca haybtaaye,
iyadana hab naaskiyo markuu, hilibku weydoobay,
huwintiyo wax qabadkiisa iyo, Hooyo & yeesha,
Horaad-nuugga noo guma necbayn, hilibka keedaahe,
Habar lagama taabtoo yaraan, way ku huruddaaye,
Hangool yey ilmaha Cayr la dhicin, talo ma haysaane.
<hr>
<b class="giriin">Dudublow walaal koriyihii, shalay ku kaalmeeyey
Kallifkuu Hiraab qabey ninkii, kugu kafaal qaaday,
Korriinada ninkii adan ahayn, Keli walaal waayey,
kuu dhalay ninkaan kaa duwine, kala mid kaa yeelay,
+
korya bari ninkaa kaa jiroon, Cidi ku kuureynin,
inaad soo kureedduu jeclaa, taniya kowdiiye,
Kuftintaa hadduu rabo yaraan, kuma karaarteene,

Madarkicis kaleetaba degmada, waad la kahataaye,
kallihiyo Carraababa haddaad, Cayr la kaliyowday,
Kar bannaan haddaan loo helayn, kaliba meel joogo,
asii aan la kala qaadi karin, Kayn dad wada yaalla,
kala-guur ma jiro oo dhul waa, Karin ciriiryoone,

haddii aan Caqliga kaamilkaa, laysu wada keenin,
Kal-jacayl ninkii qaba haddaan, koonka laga doonin,
nin karoo kasaayaba haddaan, koodka loo bixinnin,
Kas-darrada ninkii wada haddaan, ceebta lagu koobin,

+
asuu kurayga Kaaraha wadaa, beriba koox laayo,
Kaftan & runtii lagu kahaa, way ku kedisaaye,
kal-nacayb walaal waa kulayl, Kaydka kaa cuna e,
yaa kaalintuu hari Nabsiga, koodahaa helaye.</b>